Kulan ku aadanaa Arimaha Nabadgeliyada oo ka dhacay Degmada Cadaado

Kulan looga hadlayay arimaha Nabad geliyada iyo xalinta qilaafaadyo soo laalaabtay ayaa lagu soo gaba gabeeyay gudaha degmada Cadaado ee gobolkaasi Galgaduud .

Kulankaasi ayaa waxa uu dhexmarayay Madaxda Maamulka Ximin iyo Xeeb iyo Odyaal ay ka mid yihiin kuwo ka yimid magaalada Muqdisho islamarkaana uu horkacayay Axmed Diiriye Cali oo ah Oday siweyn looga yaqaan Koonfurta Dalka.

C/laahi Aadan Tiiceey Madaxweynaha Maamulkaasi Ximin iyo Xeeb oo la hadlay Xafiisak SBC ee Galgaduud waxa uu sheegay in Kulankaasi looga gol lahaa ka hadalka Arimaha Nabadgeliyada laguna doonayay in lagu soo afjaro Xiisado colaadeed oo waayadii ugu dambeeyay ka jiray gobolka.

Ma ahan Makii ugu horeysay oo kulan ceynkan oo kale ah lagu qabto gudaha Cadaado kaas oo ay isugu imanayaan Maamulka Halkaasi ka jira iyo Odayaal dhaqameedka deegaanka.

SBC INternational Dhuusamareeb

Daalacatey :286

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print