Kulankan ayaa ahaa kulan loogu talogalay in lagu wacyi galiyo ururada dhalinyarada ee ka jira magaalada Boosaaso  ayaa waxaa ka soo qayb  galay madax ka socota wasaarada shaqada shaqalaha iyo  isportiga,  madaxda gobalka , ururada   dhalinyarada, waxaana  uu dhacay hoolka shirarka ee xarunta gobalka Bari 

Ugu horayntii waxaa ka hadalay gudoomiyaha isportiga  gobalka Bari Mustafe Majacase  oo mahad balaaran u jeediyay wasaarada shaqada shaqaalaha iyo isportiga  wax uu sidoo kale mahadnaq balaaran ujeediyay maamulka gobalka Bari  oo uu sheegay in ay mar walba garabtagnaayeen dhalinyarada   iyo waliba intii urur ee ka soo qayb gashay kulankaas.

Sido kale waxaa kulankaas ka hadlay gudoomiye lu xigeenka koowda ee gobalka bari ahna ku simaha gudoomiyah gobalka Yuusuf Muumin Bide oo ugu horayntii  mahad balaaran u jeediyay wasaarada shaqada shaqaalaha iyo  isportiga,  sidoo kale waxa uu mahad balaaran u jeediyay  ururada ka jira gobalka Bari  intaas kadib waxauu sheegay in ururada hada jira looga baahan yahay in ay wax qabtaan markaasna ay iyagu garab istagayaan hadan la arag wax qabadkooda aysan cidna oganayn wax ay qabtaan loo mana bahna ayuu yiri waxbaan qabanay wax an muuqanayn waana inay muuqdan wax qabadkiinu isgoo sheega in ay mar waliba ay garab tagan yihiin.

Ugu dan bayntii  waxaa kulankaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada shaqaalaha iyo ispoortiga  Siciid Daahir Qodax oo isna mahad balaaran u jeediyay dadkii ajiibay kulanka in ay la qaataan,   sido kale wax uu mahad balaaran u jeediyay maamulka gobalka,  wasiir ku xigeenka ayaa intaas kadib sheegay in  loo bahanyahay in ururada ka jira gobalka Bari  la tayeeyo ayna tahay sababtay ugu yeeren  sidii wacyigalin loo siin lahaa isagoo wasiir kuxigeenku sheegay in looga baahnayahay in ay qabtaan hawlahoodi iyo indheer  iyaguna ay mar alale ay garab tagan yihiin waxay qabtana lagu tixgalinayo .

Kulankan ayaa wax uu noqonayaa  kulankii labaad ee ay wasaarada shaqada shaqaalaha iyo ispoortiga ay la qaadato ururada ka jira  gobalka Bari iyadoo mar waliba ka la hadla sidii ay awoodooda ay u tayaynlahayeen iyagoo mar waliba  is garabtagan,

Daawo Sawirada





 

Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso