Waxaa maanta lagu soo gabgabeeyey magaalda Garowe aqoon iswaydaarsi mudo labo cisho ah socday kaasi oo loga hadlayey sida ugu haboon oo loo caawinlahaa dadka dhimirka la,a eek u nool deegaanada Puntland

Waxaana  ka qayb galayey inkabadan 30 xubnood oo isugu jira xildhibaano,   dhakhaatiirta gacanta ku haya daawaynta dadka jiran ee qaba cudurka Dhimirka ,qaar kamid ah dadka xanuunka horay ugu dhacay ee ka roonday ,bulshada qaybaheeda kala duwan  iyo hayaada daryeelka bulshada puntland

Oo iyada qabatay aqoon iswaydaarsiga looga doodayey caawinta dadka uu haleelay xanuunka dhimirka oo ka mid ah xanuunada khatarta ah dadka qabana ay u baahanyihiin dareel joogta ah

Dr  Caasho Cabdi Rooble oo kamid dhakhaatiirta hayaada  dareelka bulshada Puntland kala shaqeeya dhanka dadka qaba xanuunka Dhimirka ayaa waxay  sharax sida ugu haboon ee dadkaas la doonayo in loo dhaqmo iyadoona sheegaytay in loobahan in aan la takoorin dadka xanuunkaas qaba ee maskaxdoodu caadi ahayn isla markaana aan lagu yeerin magaca xanuunka uu qabo qofku oo ay sheegtay in uu ku kalifikaro in uu dadka dilo iyo waxyaabo kale oo lamid ah

Ramadaan waxaa  uu kamid ahaa dadka uu horay xanuunkan u haleelay blse hada ka roonaday  ee kulanka lagu casumay waxaana uu sheegay in mudo xanuunkaasi haye blse uu ka roonaday kadib markii ay latacaaleen dhakhaatiirta baratay cudurada dhimirka isla markaana uu si wanaagsan uqaatay daawadii loo qoray  kadibna uu dib ugu soo laabtay nolashii si caadiga ahayd hadana uu shaqaysto kana mid yahay dadka caafimaadka ah

Xildhibaan  cali oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka Puntland ee ka qaybgalay aqoon iswaydaarsiga ayaa soo dhaweyey in wax loo qabto dadkaasi xanuunsan isla markaan golaaha wakiilada Puntland ay xukuumada kula xisaabtamidoonaan hadba sida wax loogu qabto dadka dhimirka ka jiran ee ku nool Puntland

Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Puntland  marwo Maymuun Cabdi Ducaale oo gunaanadkii kulanka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in ay dhibaato badan la kulmaan dadka  uu cudurkaasi ku dhacay isla markaana ay ku dayacanyihiin dhamaan gobolada Puntland

Iyadoona intaa ku dartay in waxbadan laga qabtay i ayna xilwayn iska saartay wakhtigii ay ahayd wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Puntland xiligaas oo ay sheegtay in ay dadbadan geeyeen xarumaha dadka dhimirka la’a si loogu xanaaneyo daawayn usameeyen iyada dhakhaatiir kale hada ay muhumtahay in la siiwado dadaalada nocaas ah

Intii kulankani socday waxaa aad looga dooday m in la helo ispitaalo gaar ah u ah dadka dhimirka iyo daawayn rasmi ah si loola tacaalo cudurkaasi

Marka aad eegto magaalooyinka waa wayn ee Puntland waxa ay indhahaagu qabayaan dad badan oo uu haleelay cudurka dhimirku isla markaan aysan jirin gacanta ku haysa oo ku dayacan magaalooyinka kuwaas oo aan haysan cunto iyo hoy  khatarna ugu jira in baaburtu ay wadooyinka ku maraan maa daama ay maskaxda ka jiranyihiin.

DAawo Sawirada

Maxamed Siciid Yuusuf