Qardho- Kulankan oo ay isugu yimaadeen Ururada Dhalinyarada, Haweenka, Culimaa udiin, waxgarad iyo maamulka gobolka iyo kan Degmada ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta AH ee magaalada Qarado waxaana soo qabaan qaabiyay Ururka Somali Youth Social Froum iyo Dalada Kowdhan ee gobolka Karkaar .Ulajeedka Kulankan ayaa ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa Arimaha Amniga iyo Deegaanka, waxaana halkaasi la isku weydaarsaday Figrado kala duwan oo ku aadan mowduuca kulanka, iyadoona markii dambe la isla qaatay in ay muhiimtahay in la yeesho wadashaqeyn toos ah oo dhexmara Maamul Urur walaa Shacaba.

Dhanka Maamulka, gudoomiye ku xigeenka Degmada Qardho C/risaaq Cali Cartan oo isagu ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maamul ahaan ay diyaar u yihiin waxqabad balse uu ka codsanayo shacabweynaha in ay gacan ka siiyaan arimaha Nabad geliyada, Deegaanka, horumarinta Nadaafada sida furida wadooyinka.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah horkacayaasha ururada Bulshada, Sahra Siciid Jaqanaf waa Gudoomiyaha ururka Haweenka hodan ee Degmada Qardho waxayna halkaasi Sheegtay in Maamulka si gacma duran ula shaqeynayaan hadii ay yihiin ururada Haweenka.

Dhanka Amaanka waxaa u hadlay Taliyaha Saldhiga Degmada Qardho Abshir Xuseen, isagoona u sheegay dadka in ay kala shaqeeyaan arimaha Amniga iyo sidii loogaga hortagi lahaa caqabadaha ku imankara Amaanka gobolka.

Sikastaba ha ahaatee kulankan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili magaalada Qardho ay ku sii qul qulayaan dad iyagu ka xagaabaxaya Magaalada Boosaaso Xarunta gacanacsiga Puntland oo xiliyadan oo kale ah kuleyl, waxaana uu noqondoonaa kulankan mid soconaya mudo 3 maalin ah .

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC International Qardho