Kulan Muhiim ah oo  ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ee deggan dalka Nederland ayaa  ka dhacay magaalada Delft , iyadoo si qoto dheer ah looga hadlay qaabkii sare loogu qaadi lahaa heerka hoose ee ay badi Soomaalida ka joogaan horumarka Nolosha Wadanka Holland , marka loo eego Jaalliyadaha  kale ee Ajaanibka ah ee ku Nool Wadanka Holland .

Shirkan  ayaa  Waxa Soo  qaban qaabisay urur Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Midnimo oo ka mid ah Ururadda Somaliyeed ee ka jira Wadanka Holland , waxaana ka soo qeyb galay madax ka socotay dowladda hoose ee magaaladaas   (gemeente Delft).

 Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay Mashruuc Loogu Magac Daray  Toosiye oo loogu tala galay sidii Soomaalida Holland ku Dhaqan  loogu fududeyn lahaa adeegyada  muhiimka ah  ee gaarsiin kara horumarka nolosha dalka, iyadoo goobta lagu soo bandhigay website ku caawin kara arrintaas.

Mashruucaas ayaa sida u saxaafadda  u sheegay Maxamed Mahdi Caydiid waxaa maalgeliyay dowladda hoose ee magaalada Delft, intii uu shirka socday waxaa lagu soo bandhigay warbixin ay dowladda Holland  sanooyinkii ugu danbeeyay ay ka soo saartay heerarka nolosha ee Jaalliyadaha kala duwan ee ku Dhaqan  dalka, taasoo cabir la sameeyay ay halka hoose uga jireen Soomaalida oo la sheegay in horumar la’aan xooggan ay ka muuqato Sanadihii  la soo dhaafay.

Stefan Van Stappen oo ah Masuulka   dowladda hoose ee magaalada Delft uga wakiilka  ah ajaaniibta deggan magaaladaasi  ayaa halkaas ka hadlay, isagoona kula taliyay Soomaalida inay dadaal iyo Firfircooni dheeraad ah  la yimaadaan oo ka gudbaan caqabadaha ka hortaagan inay horumar ka keenaan Nolosha Wadanka Holland.

Sidoo kale, waxaa madasha ka hadashay Ruqiyo Cadow oo ah guddoomiyaha ururka Aasiya oo ka mid ah ururka gacanta ka geystay hirgelinta mashruucaas, iyadoo ka codsatay dowladaha hoose ee Nederlands inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka u gaarka ah Soomaalida.

 Ugu Danbayntii waxaa Goobta ka Hadlay Agaasimaha shabahada  hayaanmedia weriye Ibraahim Garyare  isla markaas na gacan weyn ka geystay sidii ay  ku hirgeli lahayd  Shabakadda  toosiye.org  isaga oo ku dheeraaday Muhiimada Shabakadaani Ay leedahay  kulana  Dardaarmay Somalida kasoo Qeyb Gashay Iyo Kuwa Media ha Kala socda ba in ay Ka Faaiidaystaan fursadaan Qaaliga ah Ee ay Heleen Soomalida Ku Nool Wadanka Holland.

Qaabka Aad U Isticmaalaysid Shabakada Toosiye:

1-Markii Aad Bogga   furtid Waxaa kusoo Baxaya Labada Calan Ee kala ah Calanka Wadanka Soomaaliya Iyo Calanka  wadanka Holland.

2-Markii Ay labada Calan Kusoo Baxaan Waxaad Ka Dooranaysaa Calanka aad Rabtid oo Ka Turjumaya Luuqada Aad Rabtid in aad Ku Raadsatid  War Bixinta Adiga Kuu Gaarka ah.

 DAAWO SAWIRADA 

Abdullahi M. Yusuf (Sayidka)
SBC Delft-Holland