Kulankan ayaa waxaa isugu yimi maamulka degmada Qardho, xildhibaanada goloha deegaanka gudiga joogtada, wasaaradaha mashaariicda sida waxbarashada iyo bulshada degan goobaha wax laga qabanayo iyo weliba gudi ka socda Hay’ada DRC,  

Kulankaan ayaa lagu falanqaynayay mashaariicda ay DRC lagu wado in ay fulinayso oo dhan 7 mashruuc kuwaas oo ay kafulindoonto 7 goobood oo kala duwan, habkii loo fulinlahaa iyo hadii ladhiso dugsiyo health bosyo xarumaha bulshada sidii ay u jiri lahaayeen una shaqaynlahaayeen,

 

Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo kulankaan kahadlay ayaa sheegay in ay kasaacidaayaan hayada DRC dhanka amniga ka qaybgalka jiritaanka soodhaweynta maamulka dagmada haday yihiin, 

Waxaa dood laga sameeyay shaqada mudada ay soconayso habka loo diyaarinayo lacagta kubaxaysa mashaariicda laguna soo bandhigay DEIGU & BOQ iyo su;aalo waxaana loo qaaday cod form ah, taas oo la isku raacay.
Gaba gabadii kulankaan waxaa lagu soo gabagabeeyay is afgarad iyo in lafuliyo mashaariicda, si dag dag ah oo ay uga faaiidaystaan bulshadu.

Hayada DRC ayaa waxay degmada Qardho kaqabtaa wax qabad lataaban karo oo ku aadan dhinacyada bulshada iyo bini aadanimada.
Sikastaba ha ahaatee Saraakiisha kasocota hayada DRC waxay u hanbalyeeyeen maamulka degmada qardho oo uu u horeeyo Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise (hogaamo roor ) Iyo golihiisa deegaanka.

 

 Daawo Sawirada.

Madasha uu Maanta Kulanku ku qabsoomay

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise

 

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC International Qardho