Kulan ku aadan ka wacyi gelinta Cudurka Cagaarshoowga oo Garowe ka dhacay

Kulankan oo lagu qabtay ispitalka guud ee garawe waxaa shaqalaha caafimaadka iyo dhamaan bulshada lagaga wacyi galinyey cudurka cagaarshowga oo ka mid ah cudurada laysu gudbiyo waxaana looga goleeyahay in bulshada lagu baraarujiyo waxyeelada cudurkaasi

Dr Cali Cabdi Ciise madaxa hayada caafimaadka aduunka ee WHO xafiiskeeda Puntland ayaa warbaahinta uga waramay muhiimada kulankan iyo waxa ay bulshada ka wacyi galinayaan waxaana uu sheegay in dadka laga waciyi galinayo cudurka cagaarshowga oo dhowr nooc u kala baxa qaybtiisa halista ah ee B loo yaqaan oo uu sheegay in uu yahay cudur dilaa ah oo laysu gudbiyo, waxana intaasi ku daray in cagaarshowgu waliba qaybta B ay tahay mid halis wayn ah isla markaana ay tahay in bulshadu iska ilaalisu waxaana uu xusay in dawadiisa la qaato in ay ka ficantahay in layska ilaasho isla markaana markasta maanka lagu hayo dhibaatadiisa

dhanka kale Dr Cali waxaa uu sheegay in dhawaan hayada WHO ay Puntland ka bilaabi doonto talaal  ay ugu talagaleen ka horta cudurkaasi waxaana uu bulshada kula dardaarmay in ka feejignaadaan cudurkaasi cagarshoga waliba qayb B oo uu sheegay in uu yahay mid halis ah oo bini aadamka soo wajaha, waxaana dhakhtarku intaasi ku daray in cudurkaasi lagu kala qaado siyaaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin galmada dhiiga shubida iyo sidoo kale dhanka dhalmada oo uu  sheegay in ay muhiimtahay marka dumarku dhalayaan in loo adeegsado qalab nadiif oo la hubiyey.

cudurka cagaarshowgu waxaa uu ka mid yahay cudurada dilagaaga ah isla markaana laysu gudbiyo waxaana dhakhaatiirtu ka dagiyaan in bulshadu ku baraaragtu halista cudurkaasi cagaarshowga oo ay sheegen in uu ka halis badanyahay cudurka dilaaga ah ee HIV Aids.

Sawiro





Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe 

Daalacatey :617

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print