Magalada Garowe waxaa maanta ka furmay Kulan ay isgu yimadeen Gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka kaas oo ay kaga hadlayan qorshayaasha Mashriiceed sidii looga fulin lahaa sanada 2012 Gobolada iyo Degmoyinka Puntland ee aan horay looga fulin waxaan barnaamijkaani gacan ka gaystanyey oo si wada jira u waday wasarada Arimaha Gudaha iyo Ha’yada Unicef

Kulankaan oo socnaya hal maalin oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland isla markaasna ay qayb ka tahay wasarada Arimaha gudaha iyo Ha’yada Unicef ayaa waxaa looga hadlayey sidii loo gaarsiin lahaa Dhamaan Gobolada iyo degmooyinka Mashariicyada Hormarineed sanada labada kun iyo labo iyo tobonka (2012) si ay ula janqaadaan Degmoyinka horay Mashariciha hormarineed loogaga fuliyey sida uu ku waramayo furitaankii kulankaani wasirka Arimaha gudaha iyo Dowlaha Hoose C/laahi Axmed Jamac Ilko Jiir .

Waxaa sidoo kale kulankaasi ka hadlay Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasarada Ariimaha Gudaha Maxamed Cali Juba, waxaanu sharaxaad ka bixiyay cida ka qayb qadanayesay iyo ujeedada laga leeyahay higsiga mashariic wada gaarta Gobolka oo dhan .

Waa kulankii ugu horeyay oo Barnaamij noocana oo kale ah oo la gaarsiinayo Degmooyinka iyo dhulka kale oo aan horay looga fulin qorshayaal hormarineed kaas oo loo qondeeyay in ay helaan sanada labada kun iyo labiyo tobanka

Waxaana furitaankisii ka soo qayb galay madax ka kala socotay Ha’yadaha Unicef UNDP iyo wakiilo ka socday wasaradaha Puntland

Daawo Sawirada

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe