Kulan looga Hadlayay Doorka ay Saxaafadda ku Leedahay Dastuurka Qabyo Qoraalka Ee Dalka Somaliya  iyo Joojinta Gudniinka Gabdhaha ayaa Lagu Qabtay Magaalada Amsterdam ee dalka Nederland.

Kulan ayaa waxa si wada jir ah iskaga kaashaday ururka Horumarinta Warbaahinta ee Hayaan (HAYAN MEDIA AND DEVELOPMENT CENTER), iyo Dalladda Ururrada Soomaaliyeed ee FSAN  Waxaana Kasoo Qeybgalay Wariyayaal Badan, Madax ka Socotay Ururo Soomaali ah oo ka jira Dalka Nederland iyo marti Sharaf kale.

Ka Qeybgalayaasha Kulankan ayaa Si aad ah uga Dooday Doorka Saxaafadda ay ku Yeelan karto labadaas Qodob ee kala ah Joojinta Gudniinka Gabdhaha iyo Dastuurka Hadda Qabyada ah ee loo Sameynayo Dalka Soomaaliya.

Waxaa Furitaankii Kulanka ka Hadlay Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Soomaaliyeed ee FSAN Xuseen Qadiib, Wuxuuna ugu horreyn Soo Dhaweeyay ka Qeybgalayaasha Shirka, ka dibna wuxuu faah-faahin ka bixiyay Dalladda Ururka FSAN, waxyaabaha ay qabato iyo sida Loo Asaasay   Ururkan.

Waxaa iyana ka Hadashay kulanka Sahra Naaleeye oo ka socotay Dalladda FSAN , waxayna si Qoto Dheer uga hadashay Dhibaatada gudniinka gabdhaha iyo sida loogu baahan yahay in laga qeyb-qaato in joojinta gudniinka.

“Dhibaatada waxaa ka mid ah Bakteeriya timaada marka caadada ku xiranto, iyagoo xitaa xanuun uu u dheer yahay, gudniinka marka lagu sameynayo oo aan dhiig-joojin lagu durin gabdhaha, xiliga guurka oo ay xanuun daran la kulanto gabadha”ayay tiri Sahra Naaleeye oo xustay in doorka culumaa’udiinka ee arrintan ku saabsan.

“Gabadha Soomaaliyeed ma faraxsano habeenka ugu horreeya ee ay aqal-geleyso marka la guursado, waayo waxay la socotaa dhibaatada lagu sameeyay markii sida xun loo jar-jaray ee haddana la isku qodbay, taasina waa dhibaato aan wada ognahay oo muddo dheer aan ku soo jirnay, loona baahan yahay in aan iska wacyigelinno”ayay hadalkeeda ku sii dartay Sahra Naaleeye.

Daahir Cali Kamiin  oo ka socday Ururrada u Dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ka hadlay shirka, wuxuuna Sheegay in arrintan Gudniinka Gabdhaha ay tahay Mid Xadgudub ku ah Xuquuqda Aadanaha, sidoo kalena aan raad ku lahayn diinta Islaamka, “Haddii uusan gudniinka gabdhaha sal ku lahayn diinta Islaamka waxaa muuqata in waxani xadgudub yihiin, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago”ayuu yiri Axmed Kiimiko.

Laki Xaaji Waceys oo ah  Wariye/Fannaan ah ayaa waxay ka hadashay doorka Warbaahinta iyo Fannaaniinta, waxayna sheegtay in ay labadaba ka sameysay Wacyigelin, haddii ay ahaan lahayn barnaamijyo wacyigelin ah oo ay ka sameysay iyadoo la shaqeyneysay TV-ga ETN iyo Fanka oo ay heeso ku saabsan dhibaatada gudniinka gabdhaha sameysay.

Doorka Warbaahinta ee Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya

Shirka qeybtiisa labaad waxaa looga hadlay Doorka ay Warbaahinta kaga aaddan Dastuurka Qabyada ah ee dalka Soomaaliya loo sameynayo. Qeybtan oo dood ahayd, isla markaana uu guddoominayay Wariye C/Salaan Hereri, waxaana ka qeybgalay wariyayaashii shirka fadhiyay.

DAAWO SAWIRADA

Abdullahi M. Yusuf (Sayidka)
SBC International Delft-Holland