Kulan diimeed ciwaankiisu yahay “Maxay u dileen ALLAHA dilee” ayaa xaley ka bulaabatey magaalada Garoowe ee caasiamada Puntland, kaasi oo ay ka soo qayb galeen culima’udiin caan ka ah dhulka Soomaalida, kuwaasi oo magaalada Garoowe u yimid ka qayb qaadashadii aaskii Sheekh C/qaadir ALLAHA u raxmadee.

Culimadii ka qayb gashay nadwadan diiniga ayaa waxay kala ahaayeen:

1: Sheekh Daahir Aw-Cabdi
2:Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf
3: Sheekh Dr Bashiir Axmed Saalax
4:Sheekh C/naasir Xaaji Axmed
5:Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed

Nadwadii xaley waxaa lagu bilaabay ka sheekeynta shakhsiyadii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, iyadoo laga waramay halkii uu ku dhashay, yaraantiisii ama nolashiisii, sidii uu ku bilaabay barashada diinta Islaamka, waxbarashadiisii iyo waliba arimo kale oo la xiriira nolashiisii.

Muxaaradii ugu horeysay waxaa xaley jeediyey Sheekh Yuusuf Aadan oo ka Hadley taariikh nololeedkii Sheekha, isagoo si weyn uga Hadley aqoontii uu u lahaa Sheekh EEBE ha u raxmadee.

Dhinaca kale waxaa kulanka ka Hadley Sheekh Cabdi Naasir Xaaji Axmed oo isagu si toos ah dilka Sheekh C/qaadir ugu eedeeyey inay ka dambeeyeen xarakada Al-Shabaab, inkastoo xarakada Al-Shabaab saraakiil ka tirsan oo ay ka mid yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys & Abuu-Masuur ay iska fogeeyeen ku lug lahaanshahooda dilka ALLAHA u raxmdee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, oo maalinimadii Jimcada lagu diley Masjid ku yaal magaalada Garoowe.

DAAWO SAWIRADA
nadwo20 nadwo19 nadwo18 nadwo17 nadwo12 nadwo11 nadwo10 nadwo9 nadwo8 nadwo7 nadwo6 nadwo5 nadwo4 nadwo3 nadwo2 nadwo nadwo15 nadwo14 nadwo13nadwo16

 

SBC News Desk
Sawirada Halgan.net