Wasaarada cadaalada iyo arrimahadiinta ee dowlada puntland iyoculima awdiinka kudhaqangudahamagaalda garoowe ayaa maanta waxaa dhex maray kulanballaaran kaasi oo loogagaghadlayay arrimoku saabsan bisha barakasyanee ramadaan ee inagu soo aadan .

Kulankaani ayaa waxaa wajahada lagu saaray qilaafkaxooganee udhaxeeya culimada qaybaheeda kala gadisan xilliyada lagu jira bisha barakaysan ee ramadaan marka la soomayo iyo waliba xilliyada laciidayo .

Kulanka oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen xubnaha wasaaradda cadaalada Diinta iyo Aw-qaafta Dowladda Puntland ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah culama’udiinka ku dhaqan Gobolka Nugaal kaasi oo xubnihii kaqeyb galay ay ka doodayeen dhibataada ay leedahay kala aragti duwanaanshaha ku ‘aadan marka laga gaaro dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Culima awdiinkii ka ka qeyb galay kulankaani maanta ayaa laga codsaday in ay dadka ku wacyi galiyaan sidii hal maalin dadku uwada soomi lahaayeen maadaama iyaga lagu tilmaamay in ay yihiin indhaha ummadda islamarkaana uu saaaran yahay waajibaad laga doonayo in ay ka hortagaaan arintaas dadkuna inta badan ay dhagaystaanoo kaliya culima awdiinka.

Shiikh Jaamac Cali Liibaan oo kamid ah culamadii maanta ka qeyb galay kulankaan ayaa sheegaya in culama ahaan ay sameenayaan dadaal dheeraad ah oo ummadda islaamka looga ilaalinayo qaladaadka imaada Ramadaanka bilowgiisa iyo dhamaadkiisa, Isagoo dhinaca kale sheegay in muddo badan lagusoo jiray shaki iyo qilaafaad haatana ay tahay waqtigii ummadda loo sheegi lahaa dhibaatada ay leedahay kala durugsanaanta ku’aadan bisha Ramadaan.

Wasiirk cadaalada Cabdi Qaliif xaaji Xasan Ajaayo oo kulanka gabagabiisa kahadlay ayaa waxuu usheegay dhamaan bulshada islaamka ee ku nool deegaanada puntland in ay ka faa’idaystaan kheyrka iyo wanaaga ay leedayahay bisha barakaysan ee Ramadaan dadkuna labaxaan sadaqada islamarkaana ay ka shaqeeyaan wanaaga iyo nadab galyada ku jirta bishaan isagoona dhinaca kale ugu baaqay dad waynaha ku dhaqandeegaanda puntland inay ka qayb qaataan caawinaada dadka ay abaartu saamaysay  ee ku dhaqangobalada koon fureed ee wadankasoomaaliya gaar ahaan wasiirka ayaa baaq udiray dadka ganacsatada ah oo uu sheegayin wax yar oo ay ka bixiyaan xoolahooda ay wax wayna u tarayso dadkaku dhibaataysan koonfurta wadanka soomaaliya .

kulankaanmaanta dhex maray wasaarada cadaalada iyo culima awdiinka kudhaqan magaalada garoowe ayaa waxaa uu ku sooaadayaa iyadoo maalmoqura ay inaga xigaan dhalashada bisha barakaysan eeramadaan oo inta badanuu kadhasho khilaaf xoogan oo  u dhaxeeya culimada qaybaheeda kala duwan ,iyadoona laysku afgartay in siwada jir ahloowda soomoloona wada afuro iyo in howshaan loo daayo wasaarada cadaalada,diinta iyo dhaqan celinta puntland .

Filo Sawiro
Yusuf Maxamed Maxamud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe