Waxaa maanta lagu qabtay xarunta  maamulka gobolka Nugal kulan lacag loogu uruuriyo caruurta darbijiifka ah kuwaasi oo uu soo abaabulay  urur maxaliga  ah ee magaciisa loo  soo gaabiyo ARD (Action for Relief an  Development).

Waxaana shirkaani  ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan sida xubno dowlada  ka socday nabadoono, isimo iyo ganacsato kuwaasi oo loogu tala galay inay ka qayb qaataan tabarucaadka caruurta darbi jiifka ah ee ay gacanta ku hayaan ururka ARD.

Ugu horayn waxaa ka hadashay SowdoXxuseen Maxmed oo xubin ka  ah ururka ARD ee ku  howlan  daryeelka darbijiifka ku dhaqan gobalka Nugaal  waxaana ay sheegtay in ay gacanta ku hayaan 48 cunug oo ay magaalada ka soo uruuriyeen isla markaan ay xanaanaytooda ku howlanayeen mudo sadex bilood ah  sidoo kale Sowdo waxaa ay sheegtay  in culuma’udiinka magaalada Garoowe  ay ugu deeqeen guri wayn oo  ay hoy uga  dhigeen caruurta oo ka kooban 10 qol oo hada caruurtaasi ay ka  gabaadsadaan dhaxanta iyo cad cadeeda hadana ay u baahanyihiin in laga  caawiyo  dhanka  cuntada iyo wax barashada Sowda ayaa sidoo kale sheegtay inay dhibaato kala kulmeen  xilliyadii ay carruurtaani uruurinayeen qaraabada carruurtaani oo ay sheegtay in loo sheegay inay carruurtaani darbi jiifka ah ay iibsanayaan ama qalanayaan taasioo keentay bay tiri inay na soo weeraraan,balse markii danbe ay runta ogaadeeen.

Isimada,nabadoonada iyo waxgaradka ayaa ka mida ahaa dadkiimaanta lagu causmay shirkaan waxaa isna ka hadlayshirkaani  suldaan siciid maxamed garaase oo ka mid ah  isimada ugu caaansan Puntland  waxaana  uu aad ugu amaanay  ururkaani  shaqada wanaagsan ee hayaan isaga oo  ku booriyey in sii wadaan  oo u dhabar adaygaan  howsha baaxada leh ee ay hayaan waxaana uu ugu baaqaay wax garadka iyo ganacsada magaalada Garoowe in  ay  ka caawiyaan dhanaka dhaqaalaha  si ay u helaan waxbarasho iyo  nolol wanaagsan .

Wasiir ku xigeenka  wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland Saynab  Ugaas Yaasiin  oo ka mid ahayd xubnihii dowlada ee goobta fadhiyey  ayaa sheegtay  in dowladu ay  waxbadan  ka qaban doonto daryeelka iyo u qareemida  caruutada darbi  jiifka ah waxaana  ammaan  usoo jeedisay  ururka ADR ee ku howlan  soo ururinta  iyo  xanaanayta caruurta darbi jiifka ah  oo ay sheegtay  in aan ehelkoodu  joogin qaarkoodna ay agoonyihiin, ugu dambayntii ayaa  wasiiradu waxaa ay  ubalan  qaaday in  ay  bilwalba  lacag  siindoonto caruurtada xaraysan ee darbi  jiifka  ah.

Gabagabadii  kulan  ayaa dadkii ka  qayb galay waxaa ay   ku deeqeen lacag ka badan 1500 doolar iyo dhulbanaan oo la sheegay in  looga dhisidoono goobwayn  oo isugu jirto deegaan iyo wax barasho

Waa markii  ugu horaysay oo magaalada Garoowe  lagu qabto kulan  balaaran oo taageero loogu raadinayo  canaanaynta caruurta  darbijiifka ah

Iyada oo  magaalada Garoowe  ay ku nool yihiin caruur badan oo darbijiif ah oo noloshoodu liidato isla markaan  aan helin daryeelka  ay  helaan caruurta ay isku facayihiin ee waalidkood la nool.

DAAWO SAWIRADA

Maxamed Siciid  Yuusuf
SBC International Garoowe