Magaalada Gaalkacyo Xarunta gobolkaasi Mudug waxaa goor dhoweyd ku soo gaba gaboobay kulan ku aadanaa Road mapkii lagu sixiixay magaalada Garowe xarunta Puntland waxaana kulankaasi yeeshay madaxda dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Waxaa isagana qeyb ka ahaa kulankaasi ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Mr Mahiiga iyo xubno kale oo ka tirsan beesha caalamka .

Kulankaasi ayaa waxaa ugu waaweynaa arimaha diirada lagu saarayay dastuurka umada Soomaaliyeed iyo qaabkii loo so xuli lahaa xubnaha bulshada ee iyagu codka u qaadi lahaa una dhameystiri lahaa qabyo qoraalka Dastuurka .

Kulankaasi waxaa hadalo ka jeediyay Madaxdii ku sugneyd iyagoona ka sheekeeyay muhiimada kulanku leeyahay waxaana ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay si wanaagsan inkastoo aan jirin wax war ah oo ay saxaafada siiyeen masuuliyiintii ka qeyb galay kulanka.

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo