Kulankaan ayaa ahaa mid ku saabsanaa ololaha ciribtirka isku furanka dumarka waxaana kasoo qayb galay wasiir kuxigeenka caaafimadka dawlada Puntland saynab ugaas yaasiin  xildhibaano kasocda baarlamanka Puntland , hay’ada unfpa ,iyo sidookale iyana Dhakhaatir kasocota waha iyo waliba qaar kamid ah bulshada rayidka ah

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid kusaabsanaa sidii loo ciribtiri lahaa isku furanka dumarka looguna baahinay bulshada reer Puntland in hay,ada waho dhakhaatir kasocota ay ujoogan deeganada Puntland sidii ay wax uga qaban lahayen dumarka isku furma

Ugu horayn waxaa madashaasi kahadlay Dr Axmed Cali oo isagu warbixin guud kabixinayay mashruucan ku saabsanaa  la dagaalanka ciribtirka isku furanka dumarka waxana uu sheegay in mshruucani yahay mid caalami ah looguna tala galay in laga fuliyo goobaha nabada ah ee gudaha dalka Soomaliya .

Dr Obsiye waa madaxa hay,ada UNFPA ee puntland  waxana uu kamid ahaa masuuliyiintii kahadashay madashaasi waxana uu sheegay in hay,ada UNFPA ay kaqayb qaadanayso mashruucan intii uu socdayna ay qayb ka ahaayeen

Intii uu socday kulankan ayaa iyana mid kamid ah haweenkii kasoo qayb galay ay tix buraan bur ah ka soo jeedisay goobta .

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadashay wasiir kuxigeenka caafimaadka dawlada Puntland saynab ugaas yaasiin oo sheegtay in kulankaan uu daahfur uyahay oloaha ciribtirka haweenka isku furma oo maanta kafurmya magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari.

Daawo Sawirada





Maxamed Xirisi Jabra
SBC International Boosaaso