Waxaa si aad u diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota Professor Maxamed Cali Abukar  oo ay casumaad u fidiyeen Ururka Wadaniga Badbaadinta qaranka Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay gobolkan mudo hada laga joogo sanad.

Proffesor ku waxuu xilal badan ka soo qabtay dowladii dhexe uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre lakiin waxaa aad loogu xasuustaa wakhtigaas inuu madax ka ahaa mashruucii balaarnaa ee fidinta beeraha iyo wax soo saarka dalka hadana waxuu 
wax ka dhigaa UTAH STATE UNIVERSITY waxaa iyana xusid mudan inuu  yahay President And Founder, Somali American United Council Arizona.Xafladan oo lagu qabtay holka shirarka safari ee Minneapolis Minnesota mar lagu soo dhoweyey microphon ka wuxuu si aad u qoto dheer uga hadlay taariikhdii ay soo martay Soomaaliya iyo hada  xaalku meesha uu maraayo waxuuna sheegay in aan naxariista eebe laga quusan oo qof walba oo  ku  abtirsada Soomaali xil ka saaran yahay sidii Soomaaliya loogu soor celin lahaa midnimadeedii iyo  sharteedii isla markaasna wuxuu amaan u soo jeediyey gobolada ay nabadu ka jirto sida Puntland oo mudan ku dayasho iyadoo aan la soo koobi karin muhiimadii uu ka hadlay Professorku ayuu uga  mahad celiyay Jaaliyada somaliyeed ee Minnesota sida balaaran ee ay u soo dhoweyeen.

Waxaa halkaas isugu yimi dhinacyada bulshada qaybaheeda kala duwan culimo mutacalimiin haween oo khudbado kala duwan kaga qayb qaatay waxaa iyana jirta inuusan ka marayn barnaamijka soo dhoweynta qaybta fanka oo ay ka qaadeen heeso wadani ah oo aad u qiira geliyay dadkii meesha isugu yimi waxaana hormuud u ahayd fanaanada weyn ee Hibo Maxamed (Hibo Nuura) waxaana xafladii lagu soo gabagabeeyey barnaamijkaas suugaaneed ee wadaniga ah

Nasir Siciid Nasir
SBC Minneapolis, MN.