Kulan ay soo Qaban qaabiyeen Ardayda Reer Puntland ee Wax ka barta Dalka Shinaaha ayaa waxa uu ka dhacay Maagalada Wuhan , waxaana ay uga hadleen Kulankaasi sidii loo midayn lahaa Dhamaan Ardayda Reer Puntald ee Waxbarashada ka barta Dalka Shiinaha iyo sidii Dhaqatirta Shiinaha indhahooda loogu soo jeedin lahaa Puntland.

C/risaaq C/laahi Mohamed oo ku Magaca Dheer C/risaaq Majidho ayaa ugu horayn Madasha kulankani ka sheegay in laga wada shaqeeyo sidii loo madayn lahaa dhalinta ama lays ku ogaan lahaa dhamaan ardayda ka yimi degaanada puntland, sidii loo helo ardayda leh tayo waxbarasho oo heersare ah.

Fikiro iyo Talooyin ay soo jeediyeen Dhamaan Dadkii kasoo qayb galay Madasha Kulankaasi ayaa waxa ay isku Raceen in la sameeyo Urur ay ku midaysan yihiin Ardayda iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo Kobcin lahaa Garaad iyo Aqoonta Ardayda kaasi oo loo marayo dareeq walba oo ay Aqooni ku jirto, Waxaana ururkaasi loogu magic daray PUNTALND MEDICAL COUCIL (PMC)

Hadaba kulankani ayaa lagu soo xulay gudi matalaya dhamaan qaybaha kala gadisan ee ardayda puntland gudigaasi oo gaaraya 9 xubnood o ay isugu jira rag iyo dumar, waxaana ay gudoomiye ay u dorteen sadik yusuf musse

Sadik Yusuf waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa Ardaydii fikirkan keenay waxa uu Sharaxaad Dheer ka bixyey sida loo heli karo Waxabarasho fican iyo Hormar balaaran in ay ku jirto dadaal in la sameyo waxaana uu Dhalinyarada timi Dalkan Shiinaha ku booriyey in ay haystaan Fursad aad u wayn oo aysan haysan Dhalinyaro kale oo ku Nool Wadanka Somaliya.

Inta uu socday Kulankani ayaa laysku soo Hadal qaaday sidii loo Taageeri karo ama wax loo Gaarsiin karo Degaanada Dowlada Puntland qalab Cafimaad iyo sidii ay u tagi lahayeen Dhaqaatiir Chines ah oo ay la socdaan Dhaqaatir somaliyeed si loo hormariyo Cafimaadka ama lo Tageero Isbitaalda Degaanda Puntland.

Hadaba Dhamaan Ardayda Reer Punatland ee Waxkabarta Dalka Shiinaha ayaa fariin u diray Wasaarada Waxbarashada iyo Wasaarada Cafimaadka Puntland , si loo helo wada shaqayn Dhaxmarta Ururka Ardayda Puntland ,

Ardayda ka timi Puntland ayaa waxa ay Badankooda bartaan Cilmiga Dhaqtarnimo iyo Talecumunicationka taasi oo ay Shiinaha ay aad ugu Hormarsan yihiin markii loo eego Wadamada Caalamka.

Sawiro
20130208_192637 20130208_192654 20130208_192845 20130208_192920 20130208_193421 20130208_202551 20130208_202638

puntlandmedicalcouncil@gmail.com

Abdulkadir Said Ali Gaani

Gaani18@hotmail.com

008613554548157