Sida ay ku waramayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe xarunta Puntland waxaa halkaasi ka soconaya kulamo dhexmaraya madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kan Maamulka Puntland.

Kulamadan oo ay albaabada u xiran yihiin ayaa qaatay saacado badan waxaase aan ilaa iyo iminka la xaqiijin karin waxyaabha sida rasmiga ah ah loogaga hadlayo.

balse warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in shirkan u socda labada Masuul looga hadlayo arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Shirka ka dhici doona magaalada London Cariga dalka Ingiriiska, Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo iyo weliba dhinacyo kale oo uu ku jiro ka hadalka wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka Dowlada Soomaaliya.

Waxaa jira Gudi isku dhaf ah oo labada dhinac ka kala socda kuwaas oo loo saaray ka hadalka waxayaabihii ka hirgalay heshiisyadii dhexmaray dowlada Dhexe iyo Maamulka Puntland iyo qodobo kale oo ku saabsan dastuurkii dowlada Soomaaliya ee la ansixiyay sanadkii 2012,

Inkastoo aan faah faahin buuxda laga heyn kulamadan balse waxaa la sheegay in marka ay soo dhamaadaan ay saxaafada la hadli doonaan madaxda sar sare ee kulmaya iyagoo ka sheegi doona waxyaabihii la isku afgartay.