Kulamo looga hadlayo Arinta Diidmada gudiga Farsamada Xubnihii la soo xulay oo soconaya

Kulamo lagu xalinayo khilaafaad ka dhextaagan gudiga farsamada ee soo xulista Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya ayaa ka soconaya gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Kulan u dhexeeya gudiga iyo Wakiilo uu ka mid yahay wakiilka qaramada Midoobay Soomaaliya Mr Mahiga ayaa ka dhacay gudaha Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku jeex jeexayaan go’aamadiii lagu xanibay xubno ay soo xuleen odayaasha dhaqanka oo ka mid noqonlahaa golaha wakiilada Dowlada .

Waxaana warar hor u dhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in kulamadani la isla afgartay in qaarkood xubanaha la eedeeyay ee ay diideen gudiga farsamada la fasaxo.

Maalmihii ugu dambeysay ayaa waxaa ay noqdeen kulamadani kuwo soo laalaabta iyadoona looga hadlayo arintan ah xanibaada iyo diidmada gudiga farsamada xubnahan Baarlamaan,

Madaxweynaha DKMG ah ee Xilkiisa dhamaaday ayaa ku dhagan xubnahan isagoona kulamo la qaaday wakiilo ka socda beesha caalamka inkastoo uusan qeyb ka aheyn kulanka maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha .

Daalacatey :487

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print