Waxaa soo gaba gaboobay Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda is daray xaafadaha kala ah Garsoor Gaalkacyo  iyo xaafada Qoryacad Qardho,

 Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana ay ugu dambeyntii ku soo dhamaatay oo ayna guushu raacday xaafada QORYACAD Qardho  iyadoo la timi dhibco dhan 14, halka xaafada GARSOOR GAALKACYO  ay la timo 9 dhibic

Waxaa sidoo kale caawa wada tar tarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada Xingood oo isla Qardho ah   iyo Xaafada Hodan oo ku taala Garoowe.

Labadaasi xaafadood ayaa muujiyay Tartan loo bogay, waxaana ugu dambeyntii tartankooda labadaasi xaafadood uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada Hodan  iyadoo la timi dhibco dhan 13  halka ay Xingood  ay la timi 12 Dhibic.

       Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com