Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Galkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa goor dhow shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu u hayay degmada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ku-xigeenkii duqa degmada Gaalkacyo waxuu ku soo koobay is-casilaadisa inuu fulinayo ballan-qaadkii uu qaaday waqtigii ay doorteen golaha deegaanka ee ahaa inuu soo celinayo xilkii loo igmaday haddii uu wax ku soo kordhin waayo isbadalkii laga filayay.

Wariyaha SBC Ee Galkacyo Oo Taleefanka Kula Hadlay Ayuu U xaqiijiyay Iscasilaadiisa, Walow Uu Diiday inuu Wareysi Bixiyo.

Hoos ka Akhri Qoraalkii Oo Ku Qoray Bogiisa Facebook.

“”Waxuu u mahadceliyay cid walba oo la soo shaqeysay iyo dadkii dhiiri-galin jiray,isagoo ugu baaqay Inti  dhaliil sanaydna inay ka fakaran cidi ay ku tuhmayan Inay wax soo kordhinayso.“Waxaan maanta oo Axada oo ah saddexda (3-may-2015) soo celiyey oo iska casilay xilki la ii igmaday,Waxaan ilahay ka baryaaya in galkacyo qof iga wanagsan oo iga khayr badan ugu badalo xilkaan baneeyey,”ayuu yiri Yacquub.

Ugu dambeyn,Yacquub Maxamed Ayaa Horay Mar Usoo Noqday Gudomiye Ku Xigenka Golaha Deegaanka Ee Galkacyo, Wuxunna Ka Mid Yahay Dhalinyaradda Fara Ku Tiriska Ah Ee Ku Guda Jiray Saxaafadda.

SBC, News.