Muqdisho: Wararka Ka imaanya Degaano Ka Tirsan Gobolka Mudug Ayaa Waxaa Ay Sheegeen In dad Ay Haraad Iyo gaajo Ay Ugu Geeryootay Qeybo Ka Mid Ah Mudug Oo Ah Bartamaha Dalka Somaliya.

Dadka ayaa waxa ay u geeryoodeen cuno iyo biyo la’aan xili abaaro saameyay dadka iyo duunyada ay ka jiraan gobolka Mudug sida Uu Warbaahinta u sheegay Abshir Cali Geedi oo ka mid ah dadka degaankasi ku dhaqan

Waxaa Uu intaasi Ku daray Abshir In uu ugu baaqay maamulka Gal mudug’ ganacsatada iyo  cid waliba oo wax u qaban karta dadka ku nool degaanka Qurac  toole in ay gar gaar lasoo gaaraan madaama uu sheegay in dadka degaankaasi xoolahoodii ay abaarta ka baabi’isay .

Abaarta ka Jirta Gobolka Mudug Ayaa waxaa Ay tahay mid Si Aad Ah Ay saameen Ay Ugu yeelatay dadka Iyo Duunyada mana Muuqdaan Cid Arintaasi Ay wax ka qabatay.

Maxamed Xaaji Xasan
SBC News Monitoring