Kormeerayaasha Caalamiga ee doorashada Somaliland ka dhacday maalintii Isniintii ayaa soo saaray qoraal horu-dhac ah oo ay uga hadlayaan doorashada, iyagoo ku tilmaamay qaabka doorashada u dhacday inay aheyd mid wanaagsan.

Kooxdan Kormeerayaasha ayaa sheegay in dal-daloolooyin ay ka muuqdeen qaabka ay u dhacday doorashada, waxaana ay qireen hanaanka wacyigelinta doorashada ay aad u liidatay, taasoo keentay in dad badan ay
garan waayaan goobaha ay codka ka dhiibanayaan, iyo codod badan oo xumaaday.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay ka war-hayaan carruur aan gaarin da’da codeynta in loo ogolaaday inay codkooda dhiibtaan, isla markaana dadka da’da ah ee u baahnaa in la caawiyo cidda ay u codeynayaan iyana la is weydaariyay meelaha qaar.

Dhinaca kale, waxaa ay sheegeen sidoo kale sheegeen in qaabkii sirta ahaa ee loogu tallo gallay ama ay ahayd in codeeyuhu u dhiibto codka dibadda la soo dhigay ama la khashifay.

Dadka da’da ah ama waayeelka u badan ee u baahnaa in laga caawiyo cidday u codaynayaan la isweydaariyay meelaha qaarkood. Waxaa ay sheegeen in ay warbixin buuxda soo saari doonaan dhawaan.

Dhinaca kale, Cabdiqaadir Jirde oo u hadlay Xisbiga Wadani ayaa ka cawday in mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga la xiray, qaarna dhaawacyo soo gaareen sida Faadumo Saciid iyo Xamse Kheye iyaga oo intaasi ku daray in xeerkii lagu tuntay sida muraaqibiintooda oo la saaray, handadaad loo geystay dadkii ka wakiilka ahaa xisbigooda iyo meelo uu sheegay ay Barasaabyada galayaan goobaha codadka lagu tiriyo.

Kormeerayaasha Caalamiga ayaa sheegay in warbixin buuxda ay dhowaan ka soo saari doonaan doorashada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxaa socota tirinta cododka doorashada 13-kii bishan November dhacday, waxaana Guddiga doorashada Somaliland lagu wadaa inay soo bandhigaan natiijada kama dambeysta.