Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa maanta ku dilay gudaha suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho mid ka mid ah Askarta ciidamada Nabad sugida DKMG ah ee Soomaaliya.

Markii ay falkaani geysteen kooxihii dilay Askeya ayaa ay meesha isaga baxsadeen waxaana goobta soo gaaray ciidamada Nabadsugidda DKMG ah, waxaanay halkasi ka sameeyeen Howlgal Xaafadaha ka agdhow suuqa Bakaaraha iyagoona aan jirin wax war ah oo howlgaladaasi ka soo baxay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo laalaabanayay Dilalkia qorsheysan ee loogeysanayo askarta ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, waxayna dhacdada maanta noqoneysaa 24saac waqti aan dhameyn markii xaafada geedjaceyl ee isla Muqdisho lagu dilay Askar 2 ah oo ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Monitoring