Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho ugu geystay gudaha magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada Nabadsugida Dowlada Soomaaliya.

Kooxahan oo aan la aqoon heyntooda ayaa rasaasta ka dhacda Bastoladaha la dhacay sarkaalkan xili uu ku sugnaa nawaaxiga wadada Adan Cade ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo meesha ka cararay ka dib markii ay dilka geysteen.

Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Police-ka ayaa soo gaaray goobta uu falku ka dhacay waxaana ay halkaasi kabilaabeen howlgalo ay ku qabqabteen dad taasi oo socotayilaa duhurnimadii maanta.

Sikastaba ha ahaatee Falalka ceynkan ah ee lala eeganayo Laamaha Amaanka Soomaaliya ayaa noqotay kuwo ku soo laalaabta magaalada Muqdisho

SBC International Muqdisho