Waxaa saaka Abaare 05:00 Subaxnimo Xilliga salaada Subax Lagu dilay Magaalada Boosaaso gaar ahaan Agaagaarka Xaafada Raf iyo Raaxo Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Deegaanada Puntland.

Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ahaa Culimada waaweyn ee Deegaanada Puntland ayaa waxaa dilay sida SBC ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah kooxo ku hubeysan Baskoolado Salaadi Subax ka dib isaga oo ka soo baxaya Masjidka Xasan Bin Cali

Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa uu habeenkii xalay ka qeybgalay Barnaamij gaar ah oo culimada Boosaaso ay ku qabteen Masjidka Rowda ee Boosaaso kaasi oo looga hadlayay Caawinta Dadkii wayeeladu ka soo gaartay Dabkii Boosaaso ka kacay

Sheekha ayaa Qudbadii uu halkaasi ka jeediyay waxaa uu waxbadan ka hadlay sida Masulimiinta loogu baahan yahay inay wax wada qabsadaan isku kalsoonaadaan iyo Arimo kale

Ma jirto cid loo qabtay Dilka Sheekha waxaana lagu wadaa goor dhow oo saaka ah in lagu aaso Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Sheekh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa lagu tilmaami karaa mid ka mid ah Indhii iyo culimadii wax ku oolka ahayd ee ay lahayd Magaalada Boosaaso. 

Inaa Lilaahi wa inaa Illeyhi Raajicuun