Kooxo hubeysan ayaa rasaas hubiyay dad ku sugnaa magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug kuwaasi oo isugu jiray Odayaal iyo dadkale oo ka soo jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud.

Sida la xaqiijiyay 1 qof ayaa rasaasta ay fureen kooxahaasi hubeysan ku geeriyooday halka 2 kalena ay dhaawac yihiin islamarkaana lagu dabiibayo isbitalka guud ee magalada Gaalkacyo.

Halka qof ee Geeriyooday ayaa la sheegay in uu ahaa nin masuul ah am aka mid ahaa odayaasha Caabudwaaq, lamana yaqaan ilaa iyo iminka sababta dhabta ah ee ay kooxahasaasi hubeysan u geysteen weerarka dadkani.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in dadka la laayay lagu laayay ay ku sugnaayeen xarunta gobolka ee magaalada Gaalkacyo waa sida wararku ay sheegayaane, waxaana iminka wada dhaq dhaqaaqyo iyo Baaritaano ciidamada Police-ka taas oo ay ku doonayaan sidii ay ku heli lahaayeen dadkaasi falka dilka ah geystay.

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo.