Kooxo hubeysan ayaa Saaka magaalada garoowe ku dilay Askari ka tirsan ciidamada dowlada hoose magaaladaas iyagoo dhaawacay 4 kale.

Askarta oo ka tirsan ciidanka dowladda hoose ayaa rabay inay qaadaan sandaqad taallay goob sharci darro ah oo ka soo horjeedda xarunta madaxtooyada Puntland, balse waxaa tacshiirad kala hor-tagay koox hubaysnayd oo diiddanayd in sandaqadda meesha laga qaado.

Qaar ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa inay liidato xaaladdooda caafimaad.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan qeyb ka mid ah raggii falka gaystay oo tiradooda saddex lagu sheegay.

Saraakiisha ammaanka Puntland oo aannu isku daynay inaan arrintan wax ka waydiinno ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan.

Ciidamada dowladda hoose ayaa maalmahan waday burburinta dhismeyaasha sharci darrada ah ee laga sameystay magaalada.

Sannadkii hore ayay ahayd markii saddex askari oo ka socday dowladda hoose lagu dilay isla magaalada Garoowe kaddib markii ay isku dayeen inay soo qabqabtaan maleeshiyo boobtay dhul aanayn lahayn.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garowe