Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonin ayaa nin ganacsade ah ku dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug.

Kooxahani ayaa rasaas ooda uga qaaday ninkan ganacsadaha ah gudaha Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo markii dambena goobta ay falka ka geysteen ka cararay.

Dhaawaca ninkan ayaa loo qaaday Isbitalka weyn ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uiu ku geeriyooday sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta isbitalka .

Ka dib falkaasi ganacsatada Suuqa weyn ee magaaladaas ayaa wada yeeshay kulan ay arintaasi ka yeelanayaan waxayna kulankooda ka soo saareen in ay soo celiyaan ciidan madani ah oo ay iyagu leeyihiin, kuwaasi oo islamarkiiba lagu dhxarkay suuqa.

Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa ayaa u sheegay xafiiska SBC international ee gaalkacyo in ay la xiriireen laamaha amaanka ee labada maamul ee ka jira magaalada gaalkacyo ayna u sheegeen in ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in lagu soo qabto dadkii iyagu ka dambeeyay dilka ganacsadahaasi

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Gaalkacyo siiba suuqa weyn ee magaaladaas waxayna tani noqoneysaa tii ugu dambeysay.

Liibaan C/laahi Faarax
SBC International Gaalkacayo.