Koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa dil ugu geystay guriga uu ka degenyahay magaalada Muqdisho wariye ka shaqeynayay Warbaahinta qaranka gelinkii dambe ee maanta.

Alaha u naxaristee wariye Maxamed Ibraahim Raage ayay la dheceen dhowr xabad kooxahan isagoo taagan albaaba hore ee gurigiisa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay goobta ka baxsadeen kooxdaasi ka dib marii ay rasaaseeyeen wariyaha, ilaa iyo iminkadanna lama yaqaano waxa ay ahayeen inkastoo ciidanku sheegeen in ay ku jiraan howlgalo ay ku baarayaan kooxahaasi.

Wariyahan la dilay galabta waxa uu ka qeyb ahaa wariye yaasha ka howlgala Idaacada iyo Tv-ga Dowlada Soomaaliya isagoo ka qeyb qaadan jiray barnaamiyada iyo wararka .