Goor dhoweyd magaalada Muqdisho Xarunta Dalka waxaa lagu dilay Wariye Axmed Xasan Cade Axmed Canshuur oo ka mid ahaa Wariye yaasha ka howlgala shabakada warbaahinta Shabeele ee magaalada Muqdisho .

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa fuliyay dilka wariyaha ka dibna way ka baxsadeen goobta, waxaana dhacdadani ay ka dhacday degmada dharkinley ee gobolka Banaadir.

waxaana Goobta rasaasta lagula beegsaday ayuu ku nafbaxay wariyaha .

Wariye Axmed Cashuur ayaa waxuu in mudo ah ka shaqeynayay idaacada Shabeele ee magaalada Muqdisho waxuuna ka soo howlgalay warbaahino ku yaala magaalada Muqdisho oo ay ka mid aheyd Radio Sahan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilalka qorsheysan kuwaasi oo ay fulinayaan kooxo hubeysan iyadoona loo geysanayo wariye yaasha iyo shaqsiyaad kale .

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.