Wararka ka imaanaya Degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa ku waramaya in halkaasi is rasaaseynka dhacday lagu dilay Jaamac Cali Shire oo ah walaalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire.

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay rasaas ku rideen rag uu ku jiro Marxuumka geeriyooday iyo asxaab kale oo ka tirsan xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland Waxaana dhaawac uu soo Gaaray dad kale oo aan weli tiradooda la sheegin.

Laamaha kala duwan ee Masuuliyiinta Puntland ayaa uga tacsiyeeyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire Geerida Naxdinta leh ee ku timid walaalkiis waxayna eebe uga baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo marxuumka geriyooday.

Ma jirto cid loo qabtay falkaasi dilka ah waxaase geystay kooxo aan weli si rasmi ah loo sheegin heybtooda waxaana soconaya baaritaano amuurtaan la xiriira

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN