Kooxo Hubeysan oo 2 Haween ku dilay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la xaqiijin ayaa Xaafada Tiida ee degmada Dayniile magaalada Muqdisho ku toogtay 2 haween ah oo ka tirsanaa dadka deegaankaas ka dibna halkaasi isaga baxsaday.

Dilka labadan Haween ayaa dhacay sida dad goob joogayaal ah saxaafada u xaqiijiyeen markii ay ka soo bexeen Fariisin ay leeyihiin ciidamada Amisom oo xaafadaasi ku yaala.

Sarakiisha ciidamada DKMG ah ayaa sheegay in dadka dilay labadan hawen ay ka tirsanaayeen xoogaga xarakada Alshabaab, balse ma jiraan wax war ah oo arimahaasi xaqiijinaya .

Mudooyinkii ugu dambeeyay xaafada tiida iyo deegaanada ku hareereysan ee Degmada Dayniile waxay aheyd xaaladeeda mid degen oo aan wax qalalaaso ah ka dhicin, waana deegaanadii ugu dambeeyey ee ay ka dheceen dagaaladii ciidamada DKMG ah ay ku qabsadeen Dayniile.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.

Daalacatey :298

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print