Wariye Cali Axmed Cabdi oo ka mid ahaa saxafiyiinta gobolka Mudug gaar ahaan xarunta gobolkaasi ee magaalada Gaalkacyo ayaa caawa kooxo hubaysan waxay ku toogneen waqooyiga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Is-raac agaagaraha Hotel Guure sida ay xaqiijiyeen dad ehelkiisa oo ay SBC la hadashay.

Dilka  Wariye Cali Axmed Cabdi ayaa waxaa la sheegay in ay geysteen kooxo hubaysan oo wajiga u qarsoonaa kuwaasi oo markii ay toogteen marxuumka ka baxsadey goobtaasi.

Marxuumka la dilay Cali Axmed ayaa horey uga mid ahaa wariyaasha Radio Galkacyo ayaa xiligii la dilay wuxuu ku dhawaa gurigiisa iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysay dilkiisa maadama xiligan aanu ka mid aheyn xarun warbaahineed.

ILAAH ha naxariisto wariye  Wariye Cali Axmed Cabdi, waxaana maamulka iyo shaqaalaha SBC ay tacsi u dirayaan qoyskii yo ehelkii uu ka geeriyoodey marxuumka.

Deeqo Nuur Faarax (Billan)
SBC International Gaalkacyo
deeqobillan1@hotmail.com