Dad doonayay in ay dhacaan deeqaha raashin ee la soo gaarsiiyay  magaalada Muqdisho si loogu gargaaro dadka tabaaleysan ee ku jira xerayaha qaxooti ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabqabtay gudaha degkeda weyn ee magaaladaasi.

Howlgalo baaxadleh oo ay Dekeda weyn ee Muqdisho ka sameeyeen ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ay ku soo qabqabteen dadkan burcada ah, waxaana dadkani la qabqabtay xili ay gaadiidka waaweyn ee xamuulka ay ku rarteen raashinkaasi.

Maxamed Cabdi qeybdiid gaashaanle dhexe oo ka tirsan ciidamada Police-ka Magaalada Muqdisho ee Dowlada KMG ah ayaa saxaafada u sheegay in dadkaasi lagu soo qabqabtay howlgaladaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qaadi doonaan talaabo sharci ah.

Waxa uu sidoo kale Balanqaaday Gaashaanluhu in arintani ay ciidanka u howlgaleen hada ka dibna aysan dhici doonin in qaab isdabamariyeen ah dekeda Muqdisho loogala baxo raashinka Deeqda ah ee loogu talagalay dadka Soomaalida ah ee ku ceyroobay Abaaraha ka jira Dalka.

 

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho.