Kismaayo- Koxo Maleeshiyaad ah oo aan heybtooda la aqoon ayaa dhac ugu geystay gaadiid rakaab ah inta u dhexeya Degmada Dhoobley iyo magaalada Kismaayo kaas oo ka yimid dhanka xeryaha qaxootida dalka Kenya .

Maleeshiyaadkani ayaa gebi ahaan waxay ka qaateen dadkii saarnaa gaarigaasi waxyaalihii saadka u ahaa ee ay wateen sida Mobilada Gacanta iyo Lacago ay ku safrayeen.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah kuwii rakaabka ahaa oo la hadlay xafiiska SBC International ee Jubada hoose, dadkani ayaa gebi ahaantood waxa ay ku soo jeedeen dhanka magaalada Kismaayo waxayna ka yimaadeen xeryaha qaxootiga Ifo, iyo xagar ee dalka Kenya .

Waxay intaasi ku dareen in maleeshiyaadkaasi aysan aqoonin waxa ay yihiin islamarkaana ay wada u galeen gaarigii ay saarnaayeen iyagoona ku qasbay in ay dhurka u soo degaan ka dibna kula dhaqaaqay furasho xoogleh .

Tan iyo markii xarakada Alshabaab ay ka soo bexeen deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka waxaa soo kordhayay dhaca lagu hayo haadiidka rakaabka ah iyo kuwa ganacsi ee iyagu halkaasi isaga kala goosha .

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo dadweynaha deegaankaasi ayaa arintani walaac ka muujiyay iyagoona ku tilmaamay arimo laga xumaado, waxayna dhacdooyinka yihiin kuwo sii kordhaya tan iyo intii xarakada Alshabaab laga soo saaray deegaanadaasi.

C/qani Maxamed Cali
SBC International- Kismaayo