Ciyaartii kama dambaysta ah oo ay isugu soo hareen labada dugsi sare ee Minaaratul Baydaa ee magaalda Boosaaso iyo dugsiga Iimaamu nawaawi ee magaalada Qardho ayaa waxaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Xiritaanka tartanka kubada cagta ee dugsiyada sare ayaa  waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socda dowlada Puntland  uu ka mid ahaa wasiirka shaqada shaqaalaha sportiga dhalinyarada mudane C\wali  Xirsi Cabdule (indha guran) taliyaha booliska Puntland Generaal Cali Nuur Cumar iyo gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Putland C/laahi Maxamed Xaaji (Cawiif).

 Ciyaarta oo ahayd  ciyaar aad u xiiso badnayd waxaa daawanayey dadwayne aad utira badan oo kala taageerayey labada kooxod  inkasta oo ciyaartu bilaabatay xili ay aad cadceedu u kululayd hadana ciyaartu waxay ku bilaabatay dardar xoogan oo weerar iyo weerar celis ah.

Labada koxoodna waxay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo xirfadeedu sarayso dadwaynihii usoo daawasho tagayna aad usoojiidatay daqiiqdiihii ugu horeeyey ciyaarta ayaa waxaa weero isdaba joog ah qaaday kooxda ku ciyaaraysay magaca dugsiga Munaaratul Baydaa Boosaaso balse in kasta oo ay aad isaga difaaceen kooxda ka soo horjeeday imaamu Nawaawi Qardho hadana weerada isdaba jooga ah waxay keeneen in gool laga dhaliyo kooxda Imaamu Nawaawi ciyaartuna waxay noqotay halgool iyo eber oo ay ku hogaaminayaan kooxda gobolka Bari.

Mudo toban daqiiqo gudahood ah ayaa kooxda ka socota gobolka Karkaar oo aad jaanta isula helay waxay dhashadeen goolkii barbardhaca intaas waxii ka dambeyey ciyaartu waxay noqotay mid aad la isku weeraray labada kooxood ciyaartoyda u dheelaysayna waxay soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu sarayso  waxayna ciyaarayeen ciyaar ku dhisan wareer iyo difaac.

 inmudo  ah markii ciyaartu socotay ayaa kooxda gobolka Bari waxay heleen fursad ay ku dhaliyeen goolkoodii labaad  balse Karkar intaas kuma harine ciyaarta oo qaybtii hore nasashada ay ka dhimantahay  ilaa 5 daqiiqo ayey dhaliyeen goolkii afraad ee ciyaarta  oo nafta ku soo celiyey kooxda Imaamu Nawaawi  ee Qardho waxayna  ciyaarta ka dhigeen laba gool & laba gool waxaana loo dareeray wakhtigii nasashada.

Markii la isku soo laabtay ciyaarta qaybteedi dambe ayaa macalimiintu waxay sameeyeen badalo aad u fara badan iyaga oo mid kasta ku dadaalayey in uu gool dhaliyo si uu u hanto guusha ciyaarta iyo koobka abaal marinta walow aysan suurta galin in gool layska dhaliyo intii ciyaartu socotay qaybtii labaad dadaalada ciyaartoyda ayaa ahaa mid aad ufara badan ugu dambaytii wakhtigii ciyaarta loogu talagalay waxaa uu ku soo dhamaaday  laba gool iyo laba gool ay isala dhaafi waayeen labada kooxood ee ciyaarayey kulanka kama dambaysta ah ee tartanka dugsiyada sare  markii ciyaartu dhamaatay ayaa garsoorihii ciyaartu waxaa uu go,aamiyey in la dhigo gool ku laad ama rigoorayaal.

 Kooxuhuna waxay soo xuleen ciyaartoydii goolku laad u tuurilahaa sida cadaada ahna waxaa gool kulaadyada tuura shan ciyaar yahan kooxdiiba markii la gudo galay laaditaanka kubada  waxaa labada kooxodba khasaariyeen ilaa laba fursadood iyada oo laba gool haye ay muyeen firfircooni dheeri ah. 

Ugu dambayntiina waxaa gool ku laadka ayaa  waxaa  guushu ku raacday kooxda Munaaratul baydaa ee magaalada Boosaaso iyada oo ay kaalinta labaad galeen kooxda  Imaamu Nawaawi ee magaalada Qardho.

 Dhankale waxaaa  jiray orodka loo yaqaano maratoonka oo taariikhda markii ugu horaysay Putland ay u astaysay 26 june in ay noqoto sanad walba maalinta orodka ee Puntland,waxaana  ka qayb galay ilaa 20 orodyahan iyada oo tobankii ugu horeeyey la gudoon siiyey abaal marino markii la soo gabagabeyey  waxayna orodka ka soo bilaabeen meel  5 KM dhanaka waqooyi ka beegan magaalada Garoowe ilaa ay ka soo gareen garoonka kubada cagta ee Mirre Awaare waxaana tartanka orodka 5km la ordayey ku guulaystay kaalinta kowaad oradyahan C/shakuur Jaamac Nuur .

Markii la soo gabagabayey ciyaartii iyo oradaadkiiba waxaa la gudo galay in qaybinta abaal marinadii kala duwanaa ee loogu tala galay kooxaha kaalimiha hore ka galay tartanaka iyo oradaadka waxaana  ugu horayn lagu soo dhawaayey gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Puntlan C/laahi Maxamed Xaaji (Cawiif ) oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida wanaagsan ee tartanku ku soo dhamaaday waxaana uu tilmaamay in ay ciyaaruhu is dhexgal u yihiin bulshada qaybaheeda kala duwan isla markaana ay joogtayn doonaan tartanada noocan oo kala ah.

 Ugu dambayntii wasiirka waasaarada shaqada shaqaalaha sportiga iyo dhalinyarada Puntland  C/wali  Xirsi Cabdule( indhaguran ) loo labadii koxood ee Karkaar iyo Bari gudoonsiyey laba koob oo ay ku heleen kaalinta koowaad iyo labaad sidoo kalena waxaa uu jaai’sad gudoon siiyey C/shakuur Jaamac Nuur oo ku guulaystay kaalinta kowaad ee tartanka orodka  wasiirku waxaa uu sheegay in ay ciyaaruhu yihiin  is dhexgalka bulshada  isla markaan ay door muhuum ah ka qaataan dhanka nabad galyada  waxaana uu ka dhawaajiyey in ay jirayaan ciyaaro ay dhawaan qaban doonaan ku waas  uu sheegay in ay ka mid noqon doonan ciyaaraha fardaha  xarig jiidka iyo kuwo kale tartanaka ayaa noqonaya kii ugu horeyey ee loo qabto guud ahaaba dugsiyada sare ee deeganada Puntland oo hal goob laysugu keenay inka badan  6gobol oo kamid ah deeganada Puntland.

DAAWO SAWIRADA

Maxamed Siciid Yusuf
SBC International Garoowe