Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 48aad ee xagaagaan , kaasoo ahaa kan Barcelona u  xaqiijiyay iney u soo baxdo Champions League semifinalkiisa markii ay 1-0 ku sagootisay Shakhtar Donetsk, lugta 2aad ee tartankaan.

Messi goolkaasi wuxuu dhaliyay  daqiiqadii 43aad , kaasoo ahaa kan kaliyaha ee garoonka ka dhashay.

Barca, oo koobkaan qaaday 1992, 2006 iyo 2009, waxey la ciyaari doontaa Real Madrid or Tottenham midii u soo baxda wareega 4ta.

Barca, sanadkii hore waxaa lagu reebay semis, waxaana reebtay Inter Milan, oo koobka difaacaneysa hayeeshee macalinkii reebay ayaa wuxuu wataa Real Madrid oo ay mar kale wada ciyaari doonaan semi-finalka koobkaan.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com