Galabta garoonka ciyaaraha kubadda ee magaalada Boosaaso waxaa ka furmay koob ay ka qeyb galayaan 38koox oo heerka labaad ah kaas oo ay soo qaban qaabisay shirkada qalabka Sport-ka ee Hurre New Sports.

Xaflad gaaban oo lagu qabtay garoonka ayaa waxaa goob joog ahaa 38da koox ee ka qeyb galaya koobkan iyadoo ay sidoo kale ku sugnaayeen Masuuliyiinta Baqaarka kooban dhigay ee Hurre, gudoomiyaha Gobolka Bari u qaabilsan Sports-ka Mustafe Majacase iyo weliba dadweyne farabadan oo u soo daawasho tagay.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay 646 ciyaartooy oo gebi ahaantood ka tirsan heerka labaad ee sports-ka magaalada Boosaaso waana ciyaartoyeda koobkan ka qeyb galaya islamarkaana ku kala jira 38da koox ee uu dhexyaalo.

Waxa halkaasi ka dhacday ciyaar aheyd tii ugu horeysay ee koobka lagu furayay waxayna dhexmartay kooxaha ku kala ciyaarayay magacyada Jowle Vs Feve Star, taas oo ku soo dhamaatay 1 iyo 0 oo ay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaareysay Magaca Jowle .

Waxaa xusid mudan in koobkan kooxaha ku jira ay ku ciyaarayaan magacyada shirkadaha ganacsi ee ka jira Boosaaso ayna qeyb ka yihiin warbaahinada ka howlgalada gobolka Siiba Idaacada SBC oo ay ka qeyb galeyso Koob magaca Idaacada ku ciyaareysa.

Sikastaba ha ahaatee mudooyinkii ugu dambeeyay garoonka kubadda cagta magaalada Boosaso waxaa ka soconayay Koobab ay soo qaban qaabisay xafiiska Wasaarada Dhalinyarada iyo Sports-ka Puntland u qaabilsan Gobolka  Bari.

Sawiro


SBC International Boosaso