Baqdaad:- Bayaan ay soo saartay Koox cusub oo isku magacowday Xisbullah ayaa looga digay dhamaan shirkadaha ka shaqeeya mashruuca dhisitaanka Dakada Mubaarak ee dalka Kuwait in ay sii wadaan howlaha ay ka hayaan halkaas.

Bayaan-ka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “ Shacabka ciraaq ma ilaabi doono waxa xukuumadda Kuwait ay wado oo ay kamid tahay dhisitaan dakad si dhaqaalaha ciraaq loo cunaqabateeyo”.

Kooxdan ayaa ka codsatay xukuumadda ciraaq in ay cadaadis ku saarto Kuwait islamarkaana ka qaadato mowqif ku haboon, si looga hortago in kuwait ay beegsato ciraaq shacab iyo dhul ahaanba.

Kooxda lamagac baxday xisbullah ayaa sheegtay in ay tahay urur Jihaadi ah oo ku dhisan nidaamka wax iska-caabinta islamarkaana ay howlgalo milatari oo jihaadi ah kula jirto ciidanka mareykanka ee ku sugan dalka ciraaq.

Xukuumadda ciraaq ayaa codsatay in la joojiyo dhisitaanka Dekeda Mubaarak ee dalka Kuwait taasi oo hadda maraysa heerka shaqadeeda 14%, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka dalka ciraaq ninka lagu magcaabo Haadi Al-caamiri.

Shirkadda Hyundai ee laga leeyahay dalka Kuuriyada koonfureed ayaa wada mashruuca dhisitaanka dekeda Mubaarak ee dalka Kuwait.

Xiriirka Dalalka ciraaq iyo Kuwait oo ahayd albaabkii ay ciidamada mareykanka u soo mareen ciraaq 2003, ayaa sanadihii ugu dambeeyey laga dareemayey in uu soo hagaagayey.

Ciraaq ayaanan si rasmi ah u aqoonsan xuduuda Kuwait dhanka badda iiyo bariga .

Ciraaq ayaa cabasho ma muujisay calaamadeenta golaha amaanka sanadkii 1993, balse waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay aqoonsato xadka Kuwait dhanka bariga.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring