New York:-QM ayaa meelmarisay xubinimada xukuumadda koonfurta Sudan ee QM islamarkaana loo aqoonsaday dowladii193aad ee xubin ka noqoto Jimciyada Qaruumaha ka dhexeysa.

Guddoomiyaha QM ninka lagu magcaabo Joseph Dayes ayaa yiri “ waxaan shaaca ka qaadayaa in koonfurta Sudan ay tahay xubin kamid ah QM”.

Dhanka kale xoghayaha guud ee QM Baan Kii Muun ayaa soo dhoweeyey dowladda cusub wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay dhacdo taariikhi u ah dhamaan dadkii dhibaatada ka soo gaartay dagaaladii sokeeye kuna waayey dad eheladoodii islamarkaana ka cararay bulshadoodii.

Muun ayaa markale ugu baaqay Khartoum iyo Juba in ay iskaashadaan uuna ku xiran yahay horumarka woqooyiga horumarka koonfurta .

Muun ayaa ku amaanay madaxweynaha Sudan Cumar Albashiir iyo madaxweynaha Jumhuuriyadda koonfurta Sudan Silva Kiir ixtiraamkoodii heshiiskii nabadda ee koonfurta Sudan.

Safiirka Sudan ee QM ninka lagu magcaabo Dafcallah Al-xaaaji Cali Cismaan ayaa sheegay in labada shacab ee labada dal ay ahaan doonaan dhamaantood Suudaaniyiin.

Ansixinta golaha amaanka ee xubinimada koonfurta Sudan Jimciyada Qaruumaha ka dhexeysa ayaa ku soo beegmaya lix maalmood kadib ku dhawaaqidda rasmiga dhisitaanka dowlad ka hergasha koonfurta Sudan.

Koonfurta sudan ayaa ku dhawaaqday dowlad madax banaan kadib afti la qaaday bishii Janaayo ee la soo dhaafay markaas oo ay shacabka koonfurta Sudan ay u doorteen si aqlabiyad ah in ay ka madaxbanaanaadaan Jumhuuriyadda Sudan inteeda kale.

Dowladaha mareykanka , China, Russia iyo midowga Yurub ayaa u aqoonsaday koonfurta Sudan dal madax banaan.

Dowladda Jarmalka oo haysa madaxtinimada QM ayaa sheegtay in xukuumadda koonfurta Sudan ay balan qaaday in ay ixtiraamayso ahdaafta iyo mabaadi’da xeerarka QM.

 

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring