Ciidamada Dowlada Koonfurta suudaan ayaa siidayay laba wariye oo dhawaan xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeyay inay qoreen maqaal lagu aflagaadeynayo Madaxweyneha Koonfurta suudaan gabar uu dhalay.

Labada wariye ee la xiray oo lagu kala magacaabo Ngor Garang iyo Dengdit Ayok oo ah tifaftiraha iyo Tififtire ku xigeenka waregysaka la yiraahdo Destiny Newspaper,oo wadanka kaasi ka soo baxa ayaa la siiddayay inyadoon wax maxkmada ah la horkeenin.

Labadan wariye ayaa waxaa la qabtay Dhamaadkii bishii hore iyo bilowga bishan kuwaasi oo ku xirnaa xabsi ay ku xirnaayeen dabiilayaal kala duwan oo ku yaala wadanka koonfurta suudaan labadan saxafi ayaa waxaa loo haystay eedeymo ay ka mid yihiin Madaxweynaha wadanka Selfa kiir oo gabadhiisa siiyay nin Ethiopian ah

Mr Dengdit Ayok ninka wareyskan qora ayaa waxaa uu sheegay markii la siidayay ka dib in aan wax digniin ah iyo hadal ah aan lasiin balse la iska siidayay

Wariyaashan markii la xiriyay waxaa jirdil xoogan u geystay ciidamada amaanka kuwaasi oo ula dhaqmay si aan waafaqsaneyn sharciga waxaana uu sheegay in aysan helli jirin intii ay xirnaayeen cunto ku filan iyaga oo sheegay in 24-kii saac hal waqti la siin jiray wax ay cunaan.

Wargeyska aya soo saari jireen wariyaashan ayaa laga joojiyay shaqada mana jirto weli war ka soo baxay dowlada oo lagu ogolaanayo inay dib u bilaabaan daabacadoodii hore ee dhinaca wararka.

Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International Monitoring