Khartoum : Sarkaal sare oo katirsan QM ayaa u sheegay warbaahinta in woqooyiga iyo koonfurta Sudan ay ku heshiiyeen in ciidamadooda kala baxaan deegaanka Abyeey ee lagu muran san yahay si loo qaboojiyo xiisada colaadeed ee ka aloosan deegaankaas qaniga ku ah shidaalka.

Madaxa ergada QM ee dalka Sudan ninka lagu magacaabo Moses Bisyong ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in ciidamadooda ay kala baxaan deegaanka Abyeey toddobo maamlmood gudahood taasina ay ka qeyb qaadan doonto degnaanshaha deegaanka Abyeey ee salka u ahaa khilaafka labada dhinac sanadihii ugu dambeeyey.

Dadka lafagura siyaasadda ayaa saadaalinayey in deegaanka Abyeey uu noqon doono goob ay ku hardamaan labada dhinac kadib marka lagu dhawaaqo si rasmi ah gooni isutaaga koonfurta Sudan 9 July 2011.

Ku dhawaad sagaashan iyo sagaal boqolkiiba dadka koonfurta Sudan ayaa waxay u codeeyeen horaanta sanadkan inay rabaan inay ka go’aan Waqooyiga Sudan.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring