Garoonka wayn ee Stadium Mire Awaare ee magaalada Garoowe waxaa si rasmi ah uga furmay koobkii 2-aad ee dugsiyada sare ee deegaanada Puntland iyadoona ay ka soo qayb galeen 7 Gobal waxana xariga ka jaray ciyaartaasi wasiir ku xigeen wasaarad Sportiga Dhalinyarada ,Shaqada iyo Shaqaalaha sheegayna inay ciyaarahaani kamid yihiin waxyaabaha kor loogu qaadayo is dhax galkabulsha qaybaheed kala gadisan.

Tartankaani ayaa waxa siwada jir ah umaal galinaya Hay’ada Save The Children iyo wasaarada Sportiga ee dowlada Puntland waxaa iyana goob joog ka ahaa guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Puntland Cawiif oo isna sheegay inaysoo dhawaynayaan tartanada noocaan oo kale ah ayna tahay wax lagu farxo in hal meel laysugu keeeno dhallinyarada  intaani le’eg .
Kubbadii ugu horaysay waxaa laaday ciyaaratna xariga kajaray wasiir kuxigeenka Sportiga Puntland, waxaana lagu furay ciyaartiiugu horaysay labda dugs isare ee Cumar Samatar Gaalkacyo iyo dugsigasare ee Howd Cayn,daawashada ciyaartaani ayaa waxaa ka soo qayb galay dad gaaraya boqolaal oo xiisaynaya daawashad ciyaartaani waxaayna guushu raacday gabagabadii ciyaarta dugsiga sare ee Howd cayn kaasi oo ku guulaystay gool ku laad ka dib markii ay ciyaartu ku dhammaatay 2-2 taasi ooay sheegeen gar soorayaashu inay ciyaarta oo dhammiba tahay hal is arag oo kaliya waana tan sababtay in goolku laad la dhigo gabagabadii.

Waa markii ugu horraysay ee ciyaaro noocaani oo  kale ah ay ka dhacaan  deegaanada Puntland kuwaasi oo  loo qabanayo dugsiyada sare ee deegaanda Puntland ayna ka soo qayb galaan 7 Gobal iyadoo koobkii Koowaad horay loogu soo qabtay Gobal walba .
DAAWO SAWIRADA

Yusuf Maxamed Maxamud (Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe.