Garoonka Kubada cagta Cawaale Stadium ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa laga daah furay koob kubada cagta ah oo loogu magacdaray Alla unaxariistee Madaxweynihii hore e Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ( Gen. Cadde Muuse).

Koobkaan waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Sportska iyo Xiriirka kubada cagta Puntland waxaana maalgalinaya Taliyaha Qeybta gobolka Mudug iyadoona ay koobka ay kaqeybgalayaan 25 kooxood oo heerka labaad ee 16sano jirada ah.

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in u jeedada uu koobkaan u maalgalinayo inaytahay in ay wada shaqeyn xoogan dhexmarto dhalinta degmada Gaalkacyo iyo laamaha amaanka Gobolka Mudug isagoona shacabka kudhaqan Puntland u diray fariin taas oo ah in dhalinta Soomaaliyeed mar walba ladhiiri galiyo.

Ciyaartii ugu horeysay koobka Gen. Cadde Muuse waxaa lagu daah furay kooxaha Bacaadweyn iyo Yamays Water iyadoona ciyaartaas ku soo dhamaatay 0-0 waxaana kulanka isoodaawasho tagay dadweyne fara badan.

SAWIRRO : 

1.1 1 2.2 2 3.3 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

S/Q: Sayidcali TaaTiko