Waxaa lagu soo Gabagabeeyey garoonka weeyn ee Naadi Al-Nasar Ciyaartii Koobka Furan ee jaliyadaha Ku nool Salthante Of Oman, Taasoo la qabto Sanadkiiba hal mar, Waxaa markaan ay kasoo galeen Jaliyadda somaliyeed kaalin sare , kadib markii Ay usoo gudbeen Final kii Ugu ayna Gashay Kaalinta 3 aad waxayna soo bandhigeen kaalin wax ku ool ah, ciyaar wanaag, Hufnaan, Kala-damayn, taas oo noqotay markii ugu horeysey Kooxda ku ciyaareeysey Naadiga Jaliyadda Somalia, aygalaan kaalin Waxayna Ciyaartaasi dhex martay, Jaliyadda Somalia Iyo Jaliyadda yeman, Taasoo Captainka Ciyaartoodii Qaranka Somaliyeed C/hi Sheekh uu Ku Hubsaday Goolkii Bar-bar dhaca Daqiiqadii Ugu dameysey ee ciyaarta, Taas oo keentay in Lagu kala saaro Rigoorayaal Oo Halkas oo Guushii ku raacday Yeman, Halka Somaliyana ay la ciyaartay Masar Oo Orod kaga badisay ayaana ay u soo gudubtey Kalinta sadexaad, Halka Koobkiina Uu ku raacay Naadigii Ku ciyaarayey Wadanka Oman, Halak kaalinta labadna ay gashay wadanka yeman.
Ugu damayntii Waxaa La Guddoomiyaha Naadiga Somaliyeed Shahaado Sharaf Taasoo Uu Gudoomey, Guddoomiyaha Jaliyadda Oman Muddane Barkhad Sheekeeye, Iyo Ciyaaryahankii ugu fiicnaa jaaliyadaha kasoo qayb galay cayaaran Oo La Gudoonsiiyey(AXSAN LACIB) Muddane Max,ed Farax Oo Sitey Number 11, Kooxdii ugu Ciyaar Nadiifsanayd Cochka Kooxda Taba-bare sare Muddane Jamac Xamari, halka la gudoonsiiyey Shahaadda Ugu Saraysa Ee Naadiga Al-Nasar Bixio..
Naddiga Al-nasar Oo ah naadiga ugu weeyn wadanka Oman, Qaadayna ilaa 18 Jeer Koobka Naadiyadda wadanka Oman.
Isku soo wadda duuboo waxaa Dhamaan jaaliyada somalyeed ee Oman Mahad balaaran u celiyeen dhanaan Jaaliyadda Somaliyeed Oo Sidii Sharta iyo qiimaha badnayd Eey Isu garab taageen Kooxdooda intii ciyaaruhu socdeen, Waxaa si gaar ah Mahad abalaaran Ay Ugu Celiyeen, Odayaasha Isku soo Dubaridey, Gudiga Naadiaga, Gudoomiye jamac xamari, Muxyadiin Ali Olol, Said Yusuf, Mire farax, Ibarahim said salah (Bosaso Shipping), Bashiir Gurey Iyo Dhamaan Intii Ku Taageertay Dhaqaalaha Oo Ugu Horeeyo Guddoomiyaha Jaliyadda Barkhad Sheekeeye, Mahad C/hi (Maddax Towfiq Oman), Xusein torey, Axmed Dheere, Ugaas Axmed Ugaas, Axmed Adam, Axmed Beer.
Gabab gabadii ayaa waxaa aad u kacsan dareenka jamaahiirta somalyeed ee ku nool wadankaan, iyagoo soo buux-dhaafiyey Garoonka Gudihiisa, aadna u xamasadaysanaa ayaa waxaa ka muuqatay xiisaha ay u qabaan in ay arkaan wadankoodii oo luguhiisa isku taagayey Oo ay ka jirto Horumar iyo Wanaag.
JAALIYADAHA CAYARAYEYY AYAA KALA AH
1-JAALIYADA SOMALIYA
2-JAALIYADA MASAR
3-JAALIYADA CIRAAQ
3-JAALIYADA URDUN
4-JAALIYADA YAMAN
5-JAALIYADA SUUDAN
6-JAALIYADA PAKISTAN
7-JAALIYADA INDIA
8-JAALIYADA OMAN
Maamulaha guud ee xafiiska jaaliyada somaliyeeed
mudane:Ibrahim Said Salah
isiciid2006@homail.com