Munaasabad balaaran oo lagu xusayey sanadguuradii 51-aad oo aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed oo xor laga taago ciida Soomaaliyeed, isla markaana ku lamaansaneyd xoriyadii ay hanteen gobolada waqooyi ee Soomaaliya, ayaa xaley lagu qabtey xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galey Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’isalwasaaraha Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaaz), xubnaha golayaasha dawlada, masuuliyiinta ciidamada, safiirada wadamada shisheeye & marti sharaf fara badan.
Munaasabada ayaa xaley saqdii dhexe saacadu markii ay aheyd 12-kii ama 6 saac oo habeenimo waxaa calanka Jamhuuriyada Soomaaliya laga taagey xarunta madaxtooyada, iyadoo calanka ay taageen cutubto ka tirsan ciidamada xooga dalka.


Madaafiic madaxtooyada ku soo dhacdey xiligii xaflada.

Saacadii markii ay gaartey xiligii calan saarka waxaa madaafiic aan la ogeyn khasaaraha ay geystey lagu soo ridey xarunta madaxtooyada oo ay ka sooctey xafladu iyadoo aanay jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatey xafladaasi madaafiicdaasi.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa khubadihii ay halkaasi ka jeediyeen Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamanka & Ra’islawasaaraha. (Player-ka hoose ka dhageyso khudbada Ra’isalwasaaraha)Dhageyso khudbada Ra\’isalwasaaraha
Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka hadley gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan (Player-ka hoose ka dhageyso hadalka Shariif Xasan) Khudbada Shariif Xasan

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadaasi hadal dheer ka jeediyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo ka haldey arimo fara badan oo ay ka mid tahay xaalada amaanka dalka, waxaana uu sheegay in Al-Qaacida & Al-Shabaab ay ku hayaan guumayesi ummada Soomaalida sida uu sheegay Madaxweynuhu, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay loo soo jeesto midnimada, nabadda & wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ka hadley guulihii ay gaareen ciidamada DKMG ah, isagoo sheegay in ahmiyada koowaad uu siinayo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay inay sii wadaan hawsha dalka nabada loogu soo celinayo.

 Intii uu khudbadiisa watey madaxweynuhu wuxuu si weyn u amaanay dadaalkii ay ku talaabsatey xukuumadii uu Ra’isalwasaaraha ka ahaa Maxamed C/laahi Farmaajo, isgaoo munaasbada ku gudoonsiiyey shahaado sharaf wax qabadkiisa Ra;isalwasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo. (Player-ka hoose ka dhageyso khudbada Sheekh Shariif)dhageyso khudbadii madaxweynaha

DAAWO SAWIRADA
Axmed Aar
SBC Muqdisho