Khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa haatan cirka isku sii shareeraya iyadoo ay soo baxayaan warar xaqiijinaya in gudiyo kala duwan oo dhexdhexaadin ah ay gacmaha ka taagayaan xalinta khilaafkaasi.

Sare u kaca khilaafka Shariifeynka ayaa shaley sheeda ka baxay ka gadaal markii garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho laga celiyey  loona diidey inay ka dhoofaan xubnaha gudiga doorashada ee uu dhawaan magacaabay Shariif Xasan, iyadoo sidoo kale la sheegay in jirdil loo geystey xildhibaano ka tirsan baarlamanka KMG ah oo ay isku fikir yihiin Gudoomiyaha Baarlamanka kuwaasi oo isku dayey inay ka dhoofaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan oo isagu ah xubnaha wasiirada ee ay aadka isagu dhaw yihiin Madaxweynaha ayaa qirtey in isagu uu bixiyey amarka xayiraada xoga socdaalka ee lagu soo rogey xildhibaanada Baarlamanka gaar ahaan gudiga doorashada ee shaley laga celiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirku wuxuu sheegay in gudigaasi uu yahay “mid aan sharci aheyn” maadama aan la horgeyn baarlamanka oo aan la asixin, waxaana uu sheegay in hadii gudi la samaynayo ay tahay in la horkeeno Baarlamanka oo la ansixiyo, waxaase wasiirku uu meesha ka saaray in  talaabada uu amray ee xayiraada xildhibaanada ay qayb ka tahay khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha & gudoomiyaha Baarlamanka.

Laakiin SBC ayaa ogaatey in uu jirey ka warheyn uu madaxweynuhu ka warheyey talaabadaasi sida ay inoo xaqiijiyeen xubno dawlada ka mid ah oo codsadey inaan magacoosa saxaafada laga sheegin sababo ku aadan soo muuqasho dhinaca ay la fikirk ayihiin.

Ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ka hor intii aan xildhibaanada la celin isla markaana laga warhelay socdaalkooda in uu jirey wadahadal xasaasi ah oo dhex marey Madaxweynaha & Wasiirka arimaha Gudaha, waxaana arintaasi xoojinaysaa in shakiga ah in khilaafka madaxda dawlada ka dhex aloosan uu ka dambeeyo xayiraada gudiga doorashada.

SBC ayaa sidoo kale ogaatey in gudigan ay u socdeen siminaar ku aadan aqoonta doorashooyinkooyinka oo mudo 5 maalmood oo kaliya soconaya oo la doonayey in gudigan loogu qabto magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale ilo wargal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa SBC u xaqiijiyey in xubnaha gudiga doorashooyinka ee loo diiday inay ka dhoofaan Muqdisho ay xiriiro la soo sameeysey mid ka mid ah dawladaha sida weyn ugu lugta xaaladaha amaan & siyaaso ee Soomaaliya, iyadoo loo sheegay inay taxadar dhanka amaanka ah muujiyaan, inkastoo aan si buuxda naloogu xaqiijiyeen diblumaasiyiinta xubnahan la xiriirtay wadanka ay ka soo jeedaan.

Sidoo kale kulan xaley dhexmarey Gudoomiyaha Baarlamanka , gudiga doorashada  & qaar ka mid ah  xildhibaanada Baarlamanka ayaa la sheegay in looga hadley xaaladan cirka ku shareeren iyagoo isku afgartey inaan wax gorgortan ah laga gelin magacaabista gudiga & go’aanka asteynta doorashada, iyadoo xubin ka tirsan kulankaasi oo magaciisa ka gaabsdey in la xuso uu sheegay in ay leeyihiin yool cad oo salka ku haya taageerada beesha caalamka sida uu sheegay.Docda kale talaabooyin isku day ah oo lagu doonayey in si toos ah dhexdhexaadin looga dhex sameeyo labada Shariif ayaa haatan u muuqanaya mid gabi dheer ka sii dhacaya ka dib markii xubno ka mid ah gudiyo iskood isku xilqaamay ay sheegeen inay gacanta ka taageen dadaalkaasi.

Nabadoon Axmed Diiriye Maxamed oo ka mid ah golaha odayaasha dhaqanka beelaha  Muqdisho oo u warameyey SBC ayaa sheegay inay gacmaha ka taageen dadaal ay wadeen oo ay ku doonayeen inay ku dhexdhexaadiyaan Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka, isagoo sheegay “in labada nin uu mid kasta ku dhegan yahay go’aankiisa & mowqifkiisa isla markaana aanu dooneyn in uu ka tanaasulo”.

Hadalka Gudiga odayaasha dhaqanka ayaa ku soo aadayaa iaydoo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu shuruud adah ku xiray dhexdhexaadinta isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamanka shuruudaasi oo ah in laga laabto gudiga doorashada isla markaana aan laga hadlin xiligan qabasho doorasho, isgaoo cuskadey laba qodob oo kala ah.

1: In dalku uu ku jiro xaalad dagaal oo ciidamada dawladu ay ka gaareen horumar dagaalada ay kula jiraan xoogaga Shabaabka, isla markaana dagaalada jira awgood aan la qaban karin wax doorasho ah, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo rasmi ah

2: in laga noqdo gudiga doorashada ee uu magacabay Gudoomiyaha baarlamanka, isagoo ku tilmaamay gudiga in aanu aheyn mid sharci ah isagoo cuskadey qodobadan.

  • B: In gudiga uu magacaabay Shariif Xasan aanu wali ansixin Baarlmanka, sidaasina aanu ku aheyn sharci ilaa uu helo ansixinta Baarlamanka.
  • T: In gudigaasi aanu magacaabi karin Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan , maadama isagu uu ka mid yahay xubnaha u tartamaya jagada Madaxweynaha, waxaana uu sheegay in qof tartamaya in aanu magacaabi karin gudigii doorashada.

Madaxweynaha ayaa gudiyada kale ee dhexdhexaadinta waday wuxuu ugu goodiyey in uu isna dhiniciisa ka magacaabi doono gudi doorasho hadii aan wax laga badalin sida ay wax u socdaan, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka qayb galey kulamadii dhexdhexaadinta ee xaaladan ku aadan.

Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isaguna dhankiisa wuxuu ku adkeysay inaanu ka laaban doonin gudiga uu dhisay, isagoo xusey in doorashooyinku dhacayaan xiliga loogu tala galay.

Si kastaba ha ahaateen khilaafkan qarada weyn ee qarka ka sii tuuraya qorshihii dib u heshiisinta & amaanka qaranka Soomaaliyaa ayaa qolo waliba isla quman tahay, iyadoo qolyaha khilaaf xalintu ay qaati & quus ka taagan yihiin dhago qufulka ay ku qotomaan ragga is khilaafsan.

Dadka u dhoon daloola xaalada siyaasadeed ee isbadbadalka badan ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu u muuqanayo in uu garab ka helayo beesha caalamka xubno ka tirsan, iyadoo la leeyahay way yar tahay isagoo dhegta wax loogu sheegay in uu Soomaalida dhageysto, waxaana uu marayaa haatan halkii uu joogay dhamaadkii 2008-dii Ra’isalwasaarihii hore ee DFKMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) oo xiligaasi khilaaf uu ka dhex aloosnaa isaga & madaxweynihii hore ee DFKMG ah Cabdulaahi Yuusuf Axmed, xiligaasi oo Nuur Cade dhagta wax loogu soo sheegay waxaana wixii loo soo sheegayba intii ay doonaan ha le’kaadeene uu maanta yahay safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga.

Madaxweyne Shariif oo isna lagu xanto in uu saaxiibadisii hore dharaar cad ka dhaqaaqay ka dib markii dhegta wax loogu sheegay ayaa isagana waxaa haysata xaaladii Cabdulaahi Yuusuf mid la mid ah waxaana la is waydiinayaa beesha caalamku ma Soomaalida sidan ayay la damacsan tahay in maalinba qof iyagoo garbahaya shacabka Soomaaliyeed u keenaan, laba sano  ka dibna kii uu doorto ama saaxiibka la ahaa la iska horkeeno oo misna farta loogu taago “Isa tag meesha hadii kale maxkamada Heuge”.

Soomaalida waxaa u taal inay laba kala doortaan

  • 1: Inay maalinba ka sugaan beesha caalamka cidii waqtiga ka sii dhumin laheyd oo 3 sanaba Hebel sanka laga galiyo, ayna sii dheeraato dawlad la’aanta, khayraad boobka, dagaalada, macaluusha, qaxootiga, ayna soo kororto is nacebka, is aamin la’aanta, gobol goboleysi & tuulo tuuleysi qabiil, lana waayo Soomaali mideysan, Soomaali nabad ku naaloota, Soomaali sharaf & karaamo leh, Soomaali isku filnaata oo cagaheeda ku istaagta.
  • 2 Inay kacaan oo dadntooda gartaan ayna u soo jeestraan dib u heshiisiin rasmi ah oo ka soo bilaabata gobol gobol, deegaan deegaan ilaa heer qaran, lana helo wadaniyiin ay uga qiimo badan tahay xukunka & maalka ILAAH ka cabsasho, Islaamninimo, badbaado, dhiig joojin, wadaniyada,  qabiil jecleysi la’aanta, eex la’aanta, cadaalada, midnimada Ummada & dhulka.
  • Iyo ugu dambeyntii in la waayo magaca Soomaaliyeed, Soomaali nabad isku dhex marta, Soomaali nabad ku wada noolaata, calan Soomaaliyeed, Midnimo Soomaaliyeed, Qaranimo dad iyo dhul Soomaaliyeed, ayna Soomaaliya noqoto dal u qaybsama tuulo tuulo madaxweyneyaal kala duwan leh oo aan tuulaba tuulada kale u soo talaabi karin, xuduudna kala leeyihiin,calamo kala duwan & boqol lacag la iska soo daabacdo kala leeyihiin, maxmiyad la galiyo oo aanay yeelan madaxbanaani dhul, sharci, siyaasadeed, hogaamin, aayo la talin & ka faa’ideysi khayraadka dhinac walba leh.

Ugu dambeyntii talo waxay agtaal culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, nabadoonka, siyaasiga, dhalinyarada, haweenka laakiin waa kuwee, waa Wadiniyiinta, ILAAH ka cabsanaya, jecel qaranimimada, ay dhibacyo dhibaatada qaxa & qaxootiga Soomaali ku sugan tahay, ay dhibayso sumcad xumada, ay dhibayso in baasaboor ajanabi lagu safro oo Soomaali aanay laheyn, ay dhibacyo khayraadka maalin kasta laga boobayo Soomaali, ay dhibayso calanka buluuga ah oo dhulka yaal, ay dhibayso in laga maamulo caasimado kale, ay dhibayso in uu madaxa u ruxo ajanabi, ay dhibayso gacan hoorsiga.

Waa kuwa Soomaalinimada iskula weyn, waa kuwa aaminsan dad jira oo talo gaari kara inay yihiin, waa ka dantooda gaarka ah, tan qabiilkooda, ka jecel tan Soomaali weyn, waa kuwa aaminsan in Soomaali sharaf & magac ku dhex laheyd aduunka, Afrika, Carabta xag siyaasadeed, awood ciidan & xag dhaqaale.

ILAAHOW adigaa caadil ah oo la helaa dad sharaf doon ah, qaran doon, sumcad doon ah, Soomaali doon ah, midnimo doon ah.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com