Khilaaf ka dhex jira Dawladda Somaliya ma’ahan mid “Dastuuri ah” ee waa mid ‘Danaysi ah”!!!…

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay noqotay siyaasadda Soomaaliya mid ay hareeyeen ceeryaamo khilaafeed taas oo tirtay gebiba jihada & geeddi socodka saaxada siyaasadeed oo u muuqda mid doorsoomay, iyada oo ay Rayidka ka wardhawraya in helo hannaan kaddib in ka badan labatan sanadood ay haatan ku suganyihiin tii ugu darrayd ee abid ay la jaal noqdaan, waxaa isugu biiray colaado, abaaro, shaqo la’aan & Rajo la’aan, waxaana haatan ay u muuqdaan dadka Soomaaliyeed in ay hiifeen dhinacyada gaarka ah ee ay ugu horreeyaan xagjiriinta Islaamiga ah ee  gacanta ku haya inta badan deegaamada koonfurta & Bartamaha Soomaaliya.

Hase yeeshee  waxaa dadka ay qabaan rajo liidata in la helo dawlad cagaheeda ku istaagta oo ay yeeshaan dadka ku dhaqan geyiga ay hareeyeen colaadaha, kaddib markii ay labo dhambal ay noqotey DFKMG ah, Madaxweynaha, Xukuumadda & tiro ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka oo hal jaah ah & Guddoomiyaha Baarlamaanka & qayb aan yaran oo mudanayaasha Baarlamaanka oo iyaguna dhinac kale taagan, Khilaafkooda waxaa sal u ah dhinaca Xeerka, waxayna isku hayaan Muddada  uu  Baarlamanka jirayo & cimriga xilka Madaxweynaha oo Guddoomiye Shariif Xassan uu leeyahay waxay ku egtahay bisha Agoosto ee sanadkaan.

Haddaba bal intaynaan u guda gelin aragtida ah kan u muuqda inuu  habboonyahay go’aankiisa waa labada Shariif e, bal aan milicsanno taariikh yar oo kooban oo ku saabsan Shariif Xassan Sh Adam oo ah Afhayeenka Baarlamaanka Somalia. Waxaa uu ahaa Ganacsade deggan dalka Kenya isaga oo sidoo kalena Tijaaro kale kuleh dalalka Carabta waxay ahayd bartame xigeenkii sanadkii 2004 markii uu noqdey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya isaga oo ay wateen Garabkii Dawladdii Carta & Rag ka soo horjeedey ururkii SRRC oo ay ku midaysnaayeen hoggaamiye kooxeedyadii Koonfurta & Bartamaha Somalia, waxaana dadku ayba sii saadaaliyeen markii la doortay in DFKMG ee dhismaheedu ka socday Dalka Kenya in la ay bilaaban doonto khilaafaadyo tiiyo ay jirtay saadaal ah in Cabdullahi Yuusuf Axmed oo ahaa Madaxweynaha DG Puntland in uu noqonayo Madaxweynaha DFKMG ee Somalia.

Shariifku Muddadii koobnayd ee ka horreysey doorashada Madaxweynaha oo Baarlamaanka  gudihiisa laga soo dhex  dooranayey waxaa ay iska horyimaadeen xubno ka tirsanaa Baarlamaanka kaddib Khilaaf dhinaca Dastuurka markii uu dhacay, waxaana tii ugu darrayd ay dhacday markii uu noqday Madaxweyne Abdullahi Yuusuf Shariif Xassan waxaa uu la saftay tiro hoggaamiye kooxeedyo ahaa oo saldhiggoodu ahaa magaalada Muqdisho waxaana uu ka hor yimid in dawladdu degto magaalada Jawhar halkaas oo uu u calaamadsaday Madaxweyne Yuusufkii tagay in ay noqoto Saldhigga dawladda Somalia, waxaana uu shariifku ugu martiyey Muqdisho hoggaamiyo kooxeedyo uu ka mid ahaa Muusse Suudi Yalaxow, waxaana uu ku lug xirtay Raggaas kaddib markii garabkii uu la safnaa ay ku guul darraysteen inay ku soo baxaan Doorashadii Baarlamaanku ay ku dooranayeen Madaxweyne Soomaaliyeed.

Kaddib Khilaafaadyadaas waxaa la isku dayey in dhawr jeer  la xalliyo ismaandhaafyadii hareeyey dhinacyadii DFKMG ee Madaxweynaha & Guddoomiyaha Baarlamaanka u dhaxeeyey waxaana barbar socday markasta oo xal loo helo khilaafaadyadaas in haddana ay soo cusboonaato khilaafaadyo horleh, waxaa lagu dhaliilaa Shariif Xassan in uu yahay nin huwan damac weyn dhinaca talada waxaa la sheegaa in uu doonayo marwalbo in uu noqdo mar un Madaxweyne Qaran, iyada oo sidoo kalena jiraan dhaliilo kale oo ku aaddan damacyo kale oo dhinaca duunyada ah.

Su’aasha haddaba meesha taal ayaa ah maxaa sababay ismaandhaafkan u kala jiitay labo daan mas’uuliyiinta sar sare, Su’aashan Jawaabteeda ayaa noqonaysa qodobkaan in la is xassuusiyo ay habboontahay ama  mudan waxqabadka dawladda hadda jirta in ay tahay mid aan la dafiri Karin sida uu u shaqaynayo Ra’iisul Wasaare Farmaajo waa si hagar bax ah isla markaana hufan inkasta oo ay jiraan dhaliilo haddana horumarka ay Xukuumadda Farmaajo ka gaartey dagaallada lagula jiro kooxda Al Shabaab & Xaddiga ay ka maamusho Dawladda magaalada Muqdisho oo Lixdii bilood ee ugu dambeeyey maalinba maalinta ka dambeeya sii ballaaranayey ayaa kalliftay in beesha caalamka & waddamada dariska ay u arkaan in Dawladda ay cagaheeda isku taagi karto sanad gudihii haddii la siiyo taageero, waana tan kaddambaysa in siyaasadda Somaliya ay manta Jahwareer hor leh ay gasho, waxaa sidoo kale Ciidammo Dawladda taageersan ay haataan ka wadaan dhaq dhaqaaqyo gobollada Koonfurta fog halkaas oo ay ku xididaysteen kooxaha xagjirka ah eek a soo horjeeda Dawladda.

Waxaa laga dharagsanyahay  kooxaha beesha Caalamka ee maal geliya Dawladda Soomaaliya in ay iyaga hayaan Isteerinka laga hago dawladda ama ayba farta ku fiiqaan cidda ay rabaan in ay hoggaamiyaan, markii la aas-saasay DFKMG bartamihii sanadkii 2004 ta Waxaa ay beesha caalamka ay hoosta ka xarriiqeen cidda dawladdaas Madax ka noqonayso iyada oo aan Khibrad & waayo aragnimo kaliya aysan ka mid ahayn shuruudihii lagu dooranayey hoggaamiye uu yeesho Somaaliya wax ka badan dhawr & toban sano kaddib ee ayse ka mid ahaayeen in ninka la dooranayo uu ku yeesho macrifo dalalka Dariska ah isla markaana la jaanqaadi kara Xuudadka la dhex dabbaalanaya badweynta Madaw ee Siyaasadda Soomaaliya oo ay markaas ku jireen Rag Caqligooda uusan ka badnayn in ay isku qab qabsadaan hal magaalo kuna kala adkaan waayey dhawr & toban sano, waxaana uu noqday ninkaasi Madaxweynihii hore ee DFKMG Cabdullahi Yuusuf Axmed, waxaana waxii ka dambeeyey sanadkii 2006 ay Siyaasadda Soomaaliya ay yeelatay waji cusub iyada oo isu baddashay Siyaasadda Soomaaliya mid sumcad ku leh kOOFIYAD & CIMAAMAD.

Dawladda iminka jirta waa mid aysan yarayn rajada ay ka qabto in ay magaalada Muqdisho ay dajiso halka u ah ubacda mushkiladda loo maaro la’yahay labaatanka sano inta ka badan, waxay haysataa fursado aysan helin dawladihii Cabdiqaasim Salaad Xassan & Cabdillahi Yuusuf Axmed, taageerada ay ka haysato reer Muqdisho waa mid mug leh Gobolladana sidoo kale xittaa markii aad weydiiso dadka ku dhaqan deegaamada Puntland & Bartamaha Soomaaliya shacabku waxaa ay la dhacsanyihiin wax qabadka inkasta oo Madaxda deegaamadaas ay ka soo horjeedaan Dawladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Shariif Sh Axmed iyada oo loo malaynayo inay oga soo horjeedaan qodobbo dhawr ah oo ay ka mid yihiin in deegamadaas dadka u dhashay aysan mansabyo waafi ah aysan ku haysan DFKMG, waxaana hadalka ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf uu u muuqday mid sheegaya sifaha dhabta ee ka dhex jira saaxada siyaasadeed, waxaana la garan la’yahay mar haddii uu socdo ciribtirka kooxaha xagjirka ah & taageerada dadka oo sii kordhayso.

Qoraalkaygan ayaan ku soo gaba gabaynayaa saadaal kooban oo aan ka bixinayo bal sida ay noqon karto wajiyada Siyaasadeed & khilaafaadyada, waxaannu ogsoonnahay in guddi loo magacaabay Doorashada Madaxweynaha iyada oo ay liidato xiriirka uu ka haysto Madaxweyna Shariif Madaxda Gobollada haddii ay noqon lahayeen kuwa ay haystaan Al Shabaab, Ismaamul Goboleedyada ama Ahlu Sunna, taas waxaa ay u tahay ifafaalo in aysan wax doorasho ah aysan dhici Karin bilaha ama sanadka soo socdaba, sidaas darteed Madaxweyne Shariif waxaa ay beeshu caalamku ay ku khasbantahay in ay baddasho oo ay keenaan nin kale oo booskaas loo soo magacaabayo.

Haddii ay Dawladda hadda jirto oo ay horboodayaan Madaxweyne Shariif & Ra’iisul Wasaare Farmaaje oo isla keeney jaanta ay isku sii adkeeyaan xilka waxaa la arkaa in laga goosto lagacagaha maalgelinta ah ee la siiyo dawladda & taageerada kale  la siiyo ciidamada Midawga Afrika ee ay ku bar bar lammaantahay DF ee Somaliya oo aysan la’aantood dhabanka dhulka dhigi Karin, waxaana goor horeba ay magacawday xukuumadda Somaliya Guddi soo sammeeyo dhaqaale Ururin iyada oo ay sheegtey ina y isku tashanayso Dawladda islamarkaana ay kaashanayso shacabka & Qurbe joogta haddii ay sidaas ku dhaqaaqdo Dawladda una hirgasho waa waji horleh oo waxayna noqoni “Ninba taagtii taladase waa tii EEBBE”.

Mohammed Ali “Dalmar”.
Mohamedali11@gmail.com