Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogleh oo ka dhex jira gudiga farsamada ee soo xulista xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya iyo Maxkamada sare ee Federaalka.
Qilaafkan ayaa ku aadan xubno dhowr ah oo ay diideen gudiga farsamada ka mid ahaanshahooda xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha maxkamada Sare Caydiid ilka xanaf uu u soo gudbiyay gudiga farsamada Warqado la doonayay in ay ku qoraan magacyada xubnaha ay gudigu diideen, balse ay diideen gudiga iyagoona sheegay in Maxkamada sare aysan awood u laheyn in ay soo faragishato howlaha gudiga farsamada.
Gudiga farsamada Baarlamanka ayaa sheegay in howshii ay hayeen ay ku wareejin doonaan gudoonka kumeel gaarka ah ee Baarlamanka maadaama ay soo gaba gaboday xiligoodii jiritaanka.
Arinta khilaafka gudiga farsamada iyo Maxkamada Sare ayaa imanaya xili habeenimadii xalay uu shir jaraaid ka sheegay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaaday ee Shariif Sh Axmed in arinta xubnaha loo diiday Xildhibaan nimada ay go’aan ka gaareyso maxkamada sare.
SBC International Muqdisho
Daalacatey :487