Munaasabada 26-ka Juun oo ah Munaasabad Qiimo weyn ugu fadhida Umada Soomaaliyeed waxaana Munaasabadan ay ka mid tahay Taariikhda Qaaliga aha ee Dalkeena Soomaaliya Hadaba Akhriso Warbixintan

Iyadoo Soomaalidu Caado ahaan ahayd Dad Jecel Dhaqdhaqaqyada Xoriyad Doonka ee Dalka ka jiray ayaa hadana Sannadkii 1960-kii waxaa xoogeystay Dhaqdhaaqyada lagu doonayay Dhaqdhaaqyada Xoriyad doonka ee Guud ahaan ka soconayay geyiga Somaaliya, dhaqdhaaqasi waxaa uu si aad ah uga socday Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee Dalkeena.

26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu ogolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960 iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaas .

Maalintan oo kale waxay ahayd maalin taariikh weyn ku leh Umada Soomaaliyeed Islamarkaaisna waxay ahayd maalin ay niyada Umada Soomaaliyeed Gashay Dareen Farxadeed oo sida ciida oo kale loogu dabaal dagay soo dhaweynta Calanka Jamuuriyada Soomaaliya Markii ugu horeysay laga dultaago Dhulka Soomaaliya Taasi waxay dhalisayy Aragti guud in Umada Soomaaliyeed Hankii ay waday Muddo Todbaan Sanno ah iyadoo ku taameysay in Mar uun la arko Ciid Soomaaliyeed oo Xor ah ­­­­­­­­­­­­­­­­­

Alle ha u naxariistee C.laahi Timacade waxay ahaayeen aragti xilligaas laga siinayay Umada Soomaaliyeed kuwooda halganka Xoriyada u so dhibaatooday iyo kuwa laabta ka taageersanaa ee taageerada La garabtaagnaa kuwaasi oo damacoodu ahaa in mar uun ay naceewda Xoriyada ay soo iftiimiso Geyiga Soomaaliyeed.

Hadaba Sidee ayay u dhacday Xoriyadii 26ka June ee loogu dabaaldagay Munaasabadaas Maxayse Dadka Soomaaaliyeed ku xusuustaa waxaa Su’ashaas ka jawaabay Dadka Xilligaas u soo joogay Munasabada Mudane Barkhad Cali Saalax oo dabaaldagaas dartiis u tagay Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaad.

Guusha ay xoriyada ka gaartay Soomaalida waxaa ay soo martay Marxalado kala duwan waxaana ugu cadcadaa 13 dhalinyaro ee dhisay Ururkii SYL waxaanse marnaba aysan Taariikhdu Iloobi doonin Halagamayashii kale sida Sayid Maxamed C/dulle Xasan, axmed Gurey, Xaawo Taako iyo Dhagaxtuur iyo kuwo kale oo taariikh iyo Xusuus dheer ku leh Taariikhda Dalkeena Soomaaliya Marka Taariikhada halganka Soomaaliyaa waa kan Barkhad Cali saalax oo SBC uga waramaya.

Gobolada Koonufreed ee Dalka waxay weli ku sii jireen Gacanta Gumeystaha Talyaaniga oo Markaasi maamulayay Hase ahaatee Maalmo badan kama soo wareegin Markii Gumeystaha Talyaanigu uu isaguna wareejiyay maaamulka Koonfurta Dalka Soomaaliya taasi oo ku aadaneyd 1-da Luulyo 1960-kii taasi oo ahayd Afar maalmood ka dib markii Naceewda Xoriyada laga dareemay Gobolada Waqooyi ee Dalkeena

Maalinta 1-da Luulyo waxaa iyana loo dabaldagay Midowga Gobolada waqoyiga iyo Koonufrta Dalka Soomaaliya kuwaasi oo noqday Jamuuriyada Dimuquraadiga Soomaaliya

Inay isku biiraan Gobolada waqoyiga Dalka Iyo Kuunfurta Dalka waxay ahayd Figrad ka timid Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi iyagoo wada Calankii Soomaaaliyana ay tageen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaaliya waxaana Halkaas lagu dhisay Dowlad Soomaaliyeed oo xor ah waxaana Madaxweyne ka noqday AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) iyadoo uu raiisul wasaare ka noqday AHN C/rashiid Cali Sharmaarke Dhismahaasi Dowladeed waxaa uu salka u dhigay Nimaadka Dowladeed ee ka hirgalay soomaaliya Waa kan Barkhad Cali Saalax oo Xusuusta Dib noogu bidhaamin Doona

AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) markii uu qabtay talada Dalka waxaa uu bilaabay Qorshayaal lagu horumarinayo wadanka Bacdamaa aysan Jirin in Kaabayaal dhaqaale oo uu dalku lahaa waayo dalku waxaa uu ka soo kabanayay Raadadkii Gumeystaha uu ku reebay.

AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) Waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa Madaxeynihi ugu horeyay ee umada Soomaaliyeed islamarkaana aasaaska u dhigay Dowlad Soomaaliyeed oo Hab dimuquraadi ah dalka u maamusha

Guud ahaaN Dowladihii ka dhashay waxay ku dadaaleen inay ka shaqeyaan adkeynta Midnimada iyo in wax walba looga tanaasulo Danta Guud iyadoo meel la iska dhigayo Danta gaar ah ee shaqsiga Music

Taariikhda Soomaalida waxaa ku jira in Dalka uu dagaal toos ah la galay Dowlada Ethiopia oo Xuduud ay kala dhaxeyso Dalkeena waxaana ka dhashay dhibaaytooyin soo gaaray Maamulkii Dalka

Taarikhada Soomaalida u reebtay Faraata Ma hadhada ah waxay ahayd burburka Weyn ee ku yimid Qarankii Soomaaliyeed ee Mudda lagu tabcayay waxaana ay taasi dadka soomaaliyeed dhaxal siiya 20 sanno ka dib uu dalku yahay Dowlad la’aan iyo Kala danbeyn la’aan

Maanta oo kale waa Maalin Qiimo iyo Qadarin Xamaarsan oo mudan in la baro Dhalinta iyo da’yarta soo koreysa

SBC INternational News Desk